26.8 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

Qabashada Xawaadley ee maanta kadib maxaa xigay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah kasoo saartay howlgalkii maanta Ciidanka Xoogga Dalka ku xoreeyeen deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Guushan oo wasaaraddu sheegtay inay qeyb ka tahay howlgalka Badar ee bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa kooxda lagu gaarsiiyay khasaare xooggan.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ay ugu dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lagu yiri: “Guushan ayaa qeyb ka ah howlgalka Badar ee bisha barakaysan ee Ramadaan, kaas oo lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay Khawaarijtu ka dhigtaan gabaad, waxaana la burburiyay fariisimo iyo bakhaarro ay isticmaali jireen.”

Wasaaradda ayaa sheegtay in kadib qabsashada Xawaadley ay ciidamada qaranku haatan ku howlan yihiin xaqiijinta amniga deegaanka, isla markaana uu socdo howlgal lagu baacsanayo haraadiga maleeshiyaadka iyo sifeyn lagu sameynayo goobaha la xoreeyay.

“Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska CXDS waxay mar kale adkeynayaan in howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta la sii xoojin doono, si loo xaqiijiyo amniga shacabka loona ciribtiro meel kasta oo ay isku dayaan inay gabaad ka dhigtaan.”

Dagaalka maanta oo saacado badan qaatay ayaa yimid kadib markii ciidanka dowladda ay beegsadeen fariisimo ay kooxda ku lahayd deegaanka, waxaana kadib qarxay dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinac, kaas oo looga adkaaday dagaalyahannada Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa sidoo kale lagu beegsaday xarumo muhiim ah, iyadoo ciidamadu maleeshiyaad badan ku dileen dagaalka, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin tirada rasmiga ah.

Maalmihii u dambeeyay waxaa deegaannada u dhow degmada Balcad lagu daabulayay ciidamo badan oo ka qeyb qaadanaya howlgallada la doonayo in aaggaas looga xoreeyo kooxda Al-Shabaab.

Xawaadley waxay sanadihii dambe martigelisay dagaallo culus oo ay ku dhinteen boqolaal askari iyo saraakiil ciidan, taasoo muujineysa muhiimadda istiraatiijiyadeed ee deegaankaas ay u leedahay labada dhinac.

- Advertisement -

Read more

Local News