Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada, halkaasi oo uga bilaabanayso booqasho rasmi ah.
Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee Jabuuti waxay salka ku haysaa aragti wadaag ku dhisan xaaladda gobolka, iskaashiga, wadajirka, danwadaagga, iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah, Soomaaliya iyo Jabuuti.
Inta uu ku sugan yahay Jabuuti, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu la kulmi doonaa dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada madaxweyne ayaa si gaar ah uga arrinsan doona xaaladaha siyaasadeed, amni, iyo dhaqaale ee gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada Jamhuuriyadood.
Jabuuti waa dal walaal iyo daris la ah Soomaaliya, isla markaana abaal ku leh dadka Soomaaliyeed, maadaama lagu soo yagleelay dowladnimada Soomaaliya oo haatan maraysa meel wanaagsan, kadib heerar kala duwan iyo marxalado adag oo lasoo maray.
Safarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu todobaadkii hore Madaxweynaha ku tegay dalka Tanzania, isaga oo ka qayb-galay shirka 25-aad ee madaxda dalalka Bariga Afrika (EAC), kaasoo lagu qabtay magaalada Arusha.
Si kastaba, safarradan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay wajahayso xaalad adag oo gudaha ah, taasoo ka dhalatay is-mariwaaga ka taagan hannaanka doorashooyinka, wax ka beddelka dastuurka iyo xaaladaha ka dhashay abaaraha dalka.
Lama oga sida ay xaaladu noqon doonto, balse waxaa laga war sugayaa halka ay ku dambeyn doonto xiisadda taagan, maadaama Madaxweyne Xasan Sheekh uu weli ku adkeysanayo go’aankiisa, halka mucaaradka ay soo bandhigeen diidmo adag.





