27.6 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo deg-deg ah kadib dilkii Muuse Xaadoole

Bookmark
Bookmarked

Share

Warsheekh (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo deg-deg ah oo la xiriirta dagaal beeleedka haatan kasoo cusbooday ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo uu shalay ku dhintay Muuse Xaadoole oo la dhashay Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo u dirtay deegaanka lagu dagaalamay ee Bashaqle, gaar ahaan cutub ka tirsan kumaandooska Gorgor, kuwaas oo kala dhex-galay labada dhinac, waxayna durbo ku guuleysteen inay kala qaadaan maleeshiyaadka dagaalamay.

Sidoo kale, ciidanka Gorgor ayaa bilaabay howlgal amni xaqiijin ah, laguna baadi goobayo shaqsiyaadkii ka dambeeyay dagaalka khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay halkaasi.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay khilaaf xoogan oo ku saabsan guddoomiye waaxeed cusub, kaas oo dhawaan guddoomiyaha degmada Warsheekh u magacaabay deegaanka Bashaqle. Khilaafkan ayaa sababay isku dhac culus oo labada dhinac ku dhexmaray deegaanka.

Inta la xaqiijiyay, ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay dagaalkan, kuwaas oo uu ku jiro Muuse Xaadoole, oo ah walaalka Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Deegaanka lagu dagaalamay ee Bashaqle ayaa ah deegaan muhiimad leh, iyadoo loo qorsheeyay in laga dhiso garoon casri ah iyo deked cusub oo ka mid ah mashaariicda horumarineed ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Dhacdadan cusub ayaa muujinaysa baahida loo qabo in si degdeg ah loo xalliyo khilaafaadka beeleed ee ka dhaca gobollada dhexe, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo nabadgelyo u horseeda bulshada deegaanka.

- Advertisement -

Read more

Local News