29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Kuwait oo maanta soo riday diyaarad uu Mareykanka leeyahay iyo 7 kale

Bookmark
Bookmarked

Share

Kuwait (Caasimada Online) – Ciidanka Ilaalada Qaranka ee dalka Kuwait ayaa maanta soo riday diyaarad dagaal oo Mareykanka leeyahay.

Diyaaradda oo nooceedu yahay F-15E ayaa la soo riday xilli ciidanka Kuwait ay ka hortagayeen gantaallo ay Iiraan ku weerartay saacadihii u dambeeyay ee maanta.

Ma aha markii ugu horreysay ee Kuwait ay soo rido diyaarad dagaal oo Mareykanka leeyahay, iyadoo dhowr jeer oo hore ay ciidanka Kuwait soo rideen diyaarado uu leeyahay Mareykanka, arrintaas oo lagu tilmaamay “xabbad saaxiibtinimo.”

Dhinaca kale, Ciidanka Ilaalada Qaranka ee dalka Kuwait ayaa ku dhawaaqay in ciidamadooda heeganka ah ay ku guuleysteen inay soo ridaan 7 diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones), kuwaas oo ku soo xad-gudbay hawada dalkaas 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Afhayeenka rasmiga ah ee Ciidanka Ilaalada Qaranka, Sarreeye Guuto Dr. Jad’aan Fadhel oo shir jaraa’id ku faah-faahiyay isbeddellada socda iyo xaaladihii u dambeeyay ee furimaha, xilli uu jiro xad-gudubka ay Iiraan ku hayso Kuwait, ayaa sheegay in ciidanku ay dhexda u galeen oo ay soo rideen wadar ahaan 27 diyaaradood oo aan duuliye lahayn tan iyo markii weerarradaasi billowdeen.

Waxa uu xusay in tirada guud ay isugu jirto saddex diyaaradood oo waaweyn oo kuwa aan duuliye lahayn ah iyo 24 diyaaradood oo yaryar oo loo yaqaan drones-ka.

Sidoo kale waxa uu intaas ku daray in Qaybta Miino-Baarista ee Guutada Farsamada (Engineering Battalion’s Explosive Disposal Unit) ay wax ka qabatay 31 warbixinood oo la xiriira haraadiga iyo burburka gantaallada, kuwaas oo laga soo tebiyay goobo kala duwan oo dalka ah.

Sarreeye Guuto Faadil ayaa muwaadiniinta iyo dadka deggan dalkaas ugu baaqay deganaansho, isagoo u xaqiijiyay in heerka shucaaca ee hawada iyo biyaha goboleedka Kuwait uu yahay mid dabiici ah oo caadi ah.

Wuxuu xusay in Xarunta Sheekh Saalim Al-Cali ee Difaaca Kiimikada iyo Korjoogteynta Shucaaca oo hoos timaada Ilaalada Qaranka ay heegan buuxa ugu jirto habeen iyo maalin sidii ay ula socon lahayd heerarka shucaaca, u bixin lahayd xog joogto ah, isla markaana u ogaan lahayd wixii khatar ah ee iman kara.

“Xarunta ayaa maamusha khad telefoon oo shaqeeya 24-saac si ay digniino horudhac ah u siiso hay’adaha ay khusayso,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in iyadoo qayb ka ah dadaallada lagu taageerayo Wasaaradaha Difaaca iyo Arrimaha Gudaha ee sugidda amniga xarumaha muhiimka ah la daadgureeyay ciidamada heeganka ee Ilaalada Qaranka si ay u ilaaliyaan 46 goobood oo istiraatiiji ah oo dalka ku yaalla, iyagoo dhinaca kalena sii wada howshooda aas-aasiga ah ee ilaalinta kaabayaasha muhiimka ah.

Wuxuu xusay in Ciidanka Ilaalada Qaranku ay sidoo kale taageero iyo kaalmo siiyeen dhowr hay’adood oo dowladeed.

Wuxuu hadalkiisa kusoo geba-gebeeyay isagoo ugu baaqay muwaadiniinta iyo dadka ajaanibta ah ee dalkaas deggan inay wararka ka qaataan ilaha rasmiga ah, isla markaana ay iska ilaaliyaan dacaayadaha iyo xanta.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in midnimada iyo wada-shaqayntu ay saldhig u yihiin xoojinta isku-duubnida gudaha iyo xaqiijinta amniga iyo xasilloonida Kuwait.

- Advertisement -

Read more

Local News