Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka, kaas oo ugu dambeeyay xiisadda ka dhex aloosan Villa Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in jidka kaliya ee hadda furan uu yahay wada-hadal.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la fadhiisto dhinacyada ay is-hayaan, ee Golaha Mustaqbalka iyo hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, oo haatan ka baxay safkiisa, balse hore xulafo ula ahaa.
“Waxaan rabaa inaan mar kale ku celiyo in gogolaha aan hore u iclaaminay ay weli furan yihiin. Wada-hadalkuna waa jidka keliya ee lagu gaari karo xal waara iyo dowladnimo dhameystiran. Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu dalkeenna siiyo nabad waarta, barwaaqo iyo horumar,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku faanay in horumar laga sameeyay wada-hadalladii Villa Soomaaliya ay la yeelatay xubnaha mucaaradka ee is-hayaan, isagoo sheegay in mar walba albaabbada Madaxtooyada ay furan yihiin, si wada-tashi looga yeesho arrimaha masiiriga ah ee umadda Soomaaliyeed.
“Waxaa la qabtay goglo wada-hadal oo miro-dhal ah, kuwaas oo bulshada Soomaaliyeed marqaati ka tahay doorka hoggaamineed ee Madaxtooyada Soomaaliya hormuudka ka ahayd. Isku soo dhowaanshaha, isku tanaasulka, iyo ku xallinta khilaafaadka hab nabadeed ayaa aas-aas iyo saldhig u ahaa goglahaas iyo wada-hadalladaas,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa u muuqata mid kasii dareysa, iyadoo meelaha qaar laga dareemayo abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo muujinaya suurtagalnimada isku-dhacyo hor leh.
Koonfur Galbeed ayaa maalmo ka hor xiriirka u jartay Dowladda Federaalka, iyadoo Madaxweyne Lafta-gareen uu si adag uga horyimid dastuurka cusub ee uu meel mariyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, uuna saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa si cad u sheegay in ay u kala dhamaatay isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana Dowladda Federaalka aysan tegi karin deegaannada maamulkiisa.
Si kastaba, xiisadda labada dhinac ayaa kusoo aadeysa xilli xasaasi ah oo dalka ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay doorashooyinka heer federaal iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka.
Hoos ka daawo muuqaalka

