28 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Wiilka Cali Dheere oo ka mid ahaa raggii weeraray Godka Jilacow + Liiska magacyada

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta baahisay muuqaal guud oo ku saabsan weerarkii ay horay ugu qaaday xarunta Godka Jilacow, kaas oo dhacay 5-tii October 2025-kii, isla-markaana gaystay khasaare iyo saameyn xooggan oo ka dhalatay weerarkaas, maadaama lagu beegsaday mid kamid xarumaha sida aadka ah loo ilaaliyo ee ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho.

Kooxda oo soo bandhigtay muuqaalka ragga fuliyay weerarka oo ahaa 8 nin oo isugu jirtay Soomaali iyo Ajaaniib, ayaa waxaa kamid ah wiil uu dhalay afhayeenka guud ee Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), kaas oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Sheekh Cali.

Sidoo kale waxay Al-Shabaab shaaciyeen magacyada iyo sawirrada siddeeda nin oo laba kamid ah ay ahaayeen ajaaniib kasoo kala jeeda dalalka Itoobiya iyo Tanzania, waxayna kala yihiin:-

1-Zakariye Cumar Saalax oo kasoo jeeda degmada Diinsoor, 2-Cabdifitaax Bashiir Xaashi oo kasoo jeeda degmada Cadaado, 3-Yaasiin Sheekh Xasan Maxamed oo kasoo jeeda degmada Buurhakaba, 4-Maxamed Guye oo ku magac dheer Ibnu Yaasir, kana soo jeeda gobolka Oromiya ee dalka Itoobiya, 5-Maxamuud Cabdulqaadir Muriidi oo kasoo jeeda degmada Jamaame, 6-Yuusuf Shacbaan oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Tanzania, 7-Cabdullahi Sheekh Aadan Maxamed (Jacfar) oo kasoo jeeda degmada Rabdhuure, 8-Cabdiraxmaan Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo kasoo jeeda Muqdisho.

Muuqaalka oo soconayo ku dhowaad hal saac oo xiriir ah ayaa waxaa laga dhex-arki karaa ragga weerar fuliyay oo watay gaari Cabdi Bile ah oo ay ku buufsan tahay astaanta Hay’adda NISA, kaas oo ka gudbay dhammaan baraha koontaroollada, illaa uu ka gaaro gudaha xarunta Taliska Jilacow ee NISA oo ku taalla degmada Boondheere, waxaana horay muuqaalka gaarigaas u baahisay dowladda Soomaaliya, maadaama ay duubtay kaamirada CCTV.

Waxyaalaha yaabka leh ee ku jira muuqaalka waxaa kamid ah in toos loo arkayo gaariga oo galaya xarunta Godka Jilacow, kaas oo ay duubteen Al-Shabaab, gaar ahaan ragga weerarka fuliyay, waxaana si shaki la’aan ah ay u galeen xarunta, illaa ay ka tageen bartilmaamoodka oo ahaa gudaha saldhigga.

Al-Shabaab waxay muuqaalkan cusub ku sheegteen in weerarkaas ay kusoo furteen maxaabiis uga xirnaa goobta, isla markaana 5 kamid ah ay ka qayb-qaateen howlgalka, halka qaarka kalena ay sii daayeen, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxay sheegashadooda intaas ku dartay in weerarka ay ku dileen 42 sarkaal oo ka tirsanaa sirdoonka, ayna dhaawaceen in ka badan 20 kale.

Marka uu gaariga ka gudbay koontaroolka ugu dambeeya ee Godka Jilacow, ayaa waxaa la maqayaaa ninka hoggaaminayay weerarka oo leh “Allaahu Akbar waa soo galay” isagoo gaariga joojiyay, kadibna ku amray ragga saaran in ay dagaan, waxyar kadibna waxaa dhaqaaqay baabuurka oo qarxay, iyadoo uu sidaas ku bilowday dagaal toos ah oo ragga hubeysan ay la galeen ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Waxaa kale oo ay Al-Shabaab muuqaalka kusoo bandhigeen wareysiyo laga qaaday ragga weerarka fuliyay oo ka warbixinaya iyada oo uu socda howlgalka oo saacado qaatay, isla markaana guul wayn ka sheeganaya.

Si kastaba, kooxda ayaa muuqaalkan si weyn ugu baahisay barahooda bulshada, wuxuuna kusoo baxay luqadaha Carabiga, Soomaaliga iyo Sawaaxiliga, iyaga oo howlgalkan ugu magac dareen “U gargaaridda kuwa Dulman”.

- Advertisement -

Read more

Local News