Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo maanta tababar usoo xiray ciidamo cusub oo ka tirsan kuwa maamulkaas ayaa hanjabaad culus u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu haatan kala dhexeeyo khilaaf xooggan.
Ugu horreyn Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa si adag u cambaareeyay duulaan uu sheegay in dowladda dhexe ay ku qaaday deegaannada Koonfur Galbeed, isla markaana ay ciidamo ku daabushay degmooyin ka tirsan maamulkaasi oo ay si buuxda ula wareegeen.
Lafta-gareen ayaa ku goodiyay in ay iska difaacayaan, isla markaana ay ilaashan doonaan dowladnimadooda, si aan looga dumin.
“Waxaa labadaan berri duulaan qaawan oo xishood la’aan ah oo bani’aadanimada ka baxsan oo Soomaalinimada ka baxsan oo mooryaanimo ah Koonfur Galbdeed ugu soo qaaday DFS iyadoo adeegsaneysa ciidamo gaar ah oo iyada leedahay, diyaaradana kusoo daabuleysa” ayuu yiri Lafta-gareen.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Koonfur Galbeed ma cabsaneyso intii uu qof ka noolyahana calankaas iyo dowladdaas waa ilaalineynaa”.
Waxaa kale oo uu amar siiyay dhammaan ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa cusub ee la tababaray, isaga oo faray inay sugaan amniga xuduudaha maamulkaas.
“Xuduuda Koonfur Galbeed ay leedahay waa la yaqaanaa laga bilaabo Ex-kontrol Afgooye, illaa iyo Jaziiro, meesha la yiraahdo Xaramka illaa xuduudka Ceelbarde, illaa xuduuda Gedo, inta u dhexeyso ayaa mas’uuliyad idin-ka saaran tahay”. ayuu Lafta-gareen ku yiri ciidamada uu maanta usoo xiray tababarka.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo xiisadda Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbed ay isku rogtay gacan ka hadal, kadib dagaallo culus oo ka dhacay degmooyin iyo deegaanno ka tirsan maamulkaasi.
Si kastaba, ha’ahaatee arrimahan ayaa muujinaya in loollanka siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed uu galay marxalad cusub oo aad u xasaasi ah, maadaama la sheegayo in ciidamada iyo saraakiisha dowladda ay diyaar u yihiin in ay tallaabo kasta qaadaan, si loo xaqiijiyo qorshayaasha dowladda dhexe.

