31.5 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Cabdiraxmaan Odowaa oo iska casilay xisbiga JSP kadib khilaafka isaga iyo Xasan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa maanta ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Xoghayaha Guud iyo xubinnimadii Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Odowaa oo xisbigan ka tirsanaa in ka badan 10 sano ayaa sabab uga dhigay is-casilaadiisa kala aragti duwanaansho muddo kala dhexeysay isaga iyo Guddoomiyaha Xisbiga JSP, ahna Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

“Madaxweynuhu wuxuu talada dalka iyo tan xisbiga ka dhigay mid isaga ka billaabata kuna dhammaata, isagoo diiday inuu tixgeliyo ra’yiga ka duwan midkiisa isla markaana uu la tashado kooxdiisa siyaasadeed, guud ahaanna diiday talada dhammaan hay’adaha dowladda,” ayuu yiri Xildhibaan Odowaa.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan isku dayay inaan madaxweynaha ka qabto hannaanka loo maray wax-ka-beddelka dastuurka oo ahaa mid kala fogeynayay ummadda Soomaaliyeed iyo in la saxo qaar ka mid ah qodobbada taabanaya midnimada, wadajirka iyo mabaadi’ida federaaliga ah ee uu dastuurku ku qotomo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu si adag uga diiday siyaasadiisa burburinta dowlad-goboleedyada dalka, maadaama dowlad-goboleedyadu yihiin heerka labaad ee aasaaska u ah dhismaha nidaamka federaalka dalka iyo weliba wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan aad uga dhiidhiyey xannibaadda soo noq-noqotay ee loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibadda u socdaalaya. Si gaar ah, waxaan kasoo horjeestay in xildhibaan qaran oo xasaanad leh laga hor istaago safar, arrintaas oo ah gaboodfal sharci oo aan qiil loo heli karin.”

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Odowaa oo dhameystiran:

Is-Casilaadda Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)

Waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 25 March 2026 aan si rasmi ah isaga casilay xilka Xoghayaha Guud iyo waliba xubinnimadii xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Iscasilaadan waxaa sabab u ah kala aragti duwanaansho qotodheer oo in muddo ah igala dhaxeysay Guddoomiyaha Xisbiga JSP, ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamud. Kala ra’ayi duwanaantaasi waxa ay salka ku haysaa qodobada soo socda:

1. In madaxweynuhu talada dalka iyo tan xisbiga ka dhigay mid isaga ka billaabata kuna dhammaata, isaga oo diiday inuu tixgeliyo ra’yiga ka duwan midkiisa isla markaana uu la tashado kooxdiisa siyaasadeed, guud ahaanna diiday talada dhammaan hay’adaha dowladda

2. ⁠Wax-ka-beddelka dastuurka dalka: waxaan isku dayay inaan madaxweynaha ka qabto hannaanka loo maray wax-ka-beddelka dastuurka oo ahaa mid kala fogeynayay ummadda Soomaaliyeed iyo in la saxo qaar ka mid ah qodobbada taabanaya midnimada, wadajirka iyo mabaadi’ida federaaliga ah ee uu dastuurku ku qotomo.

3. ⁠Hannaanka doorashada: waxaan madaxweynaha ku kala ra’ayi duwanaannay nidaamka doorashooyinka dalka. Madaxweynuhu wuxuu ku adkeystay inuu sameeyo nidaam doorasho oo uu natiijadiisa isagu xakameyn karo, aniguna waxaan qabaa in doorashadu noqoto mid ay heshiis ku yihiin saamileyda siyaaasadda dalka, maadaama uu dalkeennu yahay mid u nugul colaad siyaasadeed iyo burbur bulsho oo soo noqnoqda.

4. Burburinta dowlad goboleedyada: waxaan aad uga diiday Madaxweyne Xasan Sheekh siyaasadiisa burburinta dowlad-goboleedyada dalka, maxaa yeelay dowlad-goboleedyadu waa astaanta iyo heerka labaad ee aasaaska u ah dhismaha nidaamka federaalka dalka iyo weliba wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

5. Xannibaadda xildhibaannada: waxaan aad uga dhiidhiyey xannibaadda soo noqnoqotay ee loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibadda u socdaalaya. Si gaar ah, waxaan kasoo horjeestay in xildhibaan qaran oo xasaanad leh laga hor istaago safar, arrintaas oo ah gaboodfal sharci oo aan qiil loo heli karin, ku xadgudub madaxbannaanida baarlamaanka dalka iyo karaamada bani’aadamka ee Alle ilaaliyey.

Qodobbadaas, iyo kuwa kale oo aanan halkan ku soo koobi karin oo aan ku kala aragti duwanaanay, ayaan maanta go’aansaday inaan siyaasadda ku kala baxno aniga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo aan siyaasad wadaag soo aheyn muddo dheer.

Hadaba, maanta wixii ka dambeeya, waxaan abbaari doonaa jiho siyaadadeed oo ka duwan tii aan muddada dheer ku soo jiray, aniga oo guntiga u xiran doona inaan bahwadaag noqonno cid kasta oo aan ka midoobi karno mabaadi’ida Soomaalinnimada iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Soomaaliya waxaan u rajeynayaa mustaqbal ummadeed oo ifaya.

- Advertisement -

Read more

Local News