31.5 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Muxuu Cabdiraxmaan Caynte ka yiri go’aanka Odowaa?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Caynte ayaa bogaadiyay go’aanka uu maanta Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa iskaga casilay xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Caynte ayaa sheegay in arrintan ay muujinayso fashilka hoggaaminta madaxweynaha, xilli dhawaan xisbiga ay ka huleeleen mas’uuliyiin miisaan culus oo kamid yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen.

“Xisbi toddobaad gudihiis ay isaga huleeleen qaar kamid ah hoggaankiisii ugu sarreeyay, waa xisbi hoggaankiisu fashilmay,” ayuu Caynte ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Bismillah,

Waxaan bogaadinayaa go’aanka geesinnimada leh ee uu gaaray Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa.

Muddo 15 sano ah ayaan saaxiibbo iyo walaalo nahay xildhibaanka, waxaanna ku aqaannaa inuu yahay nin aan ku degdegin go’aannada masiiriga ah, dulqaad iyo dad iskuwadna leh. Intaas waxaa dheer inuu danta dalka iyo dadka kahormariyo tiisa gaarka ah.

Go’aanka taariikhiga ah ee uu isaga baxay xisbiga JSP, isla markaana uga xarig furtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu astaan u yahay fashilka hoggaaminta madaxweynaha, mar haddii uu hanan waayay mid kamid ah saaxiibbadii ugu dhawaa.

Maalmo kahor, waxaan xisbiga JSP isaga baxay Guddoomiye Kuxigeenkii, ahna Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Xisbi toddobaad gudihiis ay isaga huleeleen qaar kamid ah hoggaankiisii ugu sarreeyay, waa xisbi hoggaankiisu fashimay.

Waxaa kaloo jira akhyaar kale oo fara badan oo iyaguna dhawaan isaga bixi doona JSP iyo xeyndaabka Madaxweyne Xasan Sheekh, maxaa yeelay waxaa inta garaadka leh u caddaatay hubanti la’aanta uga horreysa boosteejada kama dambeysta ah ee tareenka JSP.

Saaxiibkey Xildhibaan Odowaa waxaan hubaa inuu siyaasadda kudhex leeyahay mustaqbal ifaya, iyo karti uu ku noqdo hoggaamiye dalkiisa iyo dadkiisa badbaadiya.

Wabillahi Towfiiq.

- Advertisement -

Read more

Local News