28.1 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Muxuu Fahad ka yiri kala furfurka xisbiga Xasan Sheekh?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay go’aanka uu maanta Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa iskaga casilay xilkii xoghayaha guud iyo xubinnimadii xisbiga JSP.

Fahad ayaa tilmaamay in khilaafka uu ku baxay Odowaa uu muujinayo is-cajabiska Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo aakhirka galaafan doona, sida uu sheegay.

“Hoggaamiyuhu haddii uu raggiisa dhaqan waayo oo uu is moodo inuu leeyahay jiritaan u gooniya ama uu gaaray isku filnaasho kaligiis ah,” ayuu yiri Agaasimihii hore ee NISA.

Waxa uu intaas kusii daray: “Waxaa ku dhaca cudurka loo yaqaano maskax qooq, wuxuuna kaligiis iska daawadaa muraayad uu gacantiisa ku hasyto. Nasiib darro sarqankaas wuxuu ka soo baraarugaa kolka uu xerada kaligiis ku soo haro oo laga kala dareeray.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo xisbiga JSP ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ka tirsanaa in ka badan 10 sano ayaa banaanka keenay khilaaf huursanaa oo soo kala dhex-galay madaxweynaha.

Odowaa ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku sheegay in madaxweynuhu uu xisbiga ka dhigay mid isaga ka billaabata kuna dhammaata, isla markaana uu diiday tixgelinta ra’yiga ka duwan midkiisa.

Odowaa ayaa sheegay inuu isku dayay in madaxweynaha uu ka joojiyo wax ka beddelka dastuurka oo xiisad siyaasadeed ka riday dalka, balse uu ka dhago adaygay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Xasan Sheekh uu si adag uga diiday siyaasadiisa burburinta dowlad-goboleedyada dalka. Odowaa ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeya uu abbaari doono jiho siyaadadeed oo ka duwan tii uu muddada dheer ku soo jiray.

Ugu dambeyntiina, Xildhibaanka ayaa sheegay inuu guntiga u xiran doono inuu bahwadaag la noqdo cid kasta oo ay ka midoobi karaan mabaadi’ida Soomaalinnimada iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News