31.5 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

DF Soomaaliya oo xabsi guri gelisay Jeneraal Mahad Shub

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Mahad Cabdiraxmaan (Shub) ayaa la geliyay xabsi guri, kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda ay si buuxda ula wareegeen hoygiisa, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in taliyihii hore lagu wargeliyay inuu ku ekaado gudaha gurigiisa, isla markaana aan loo oggolaan doonin inuu bannaanka u baxo ama uu la kulmo dad kale, iyadoo sidoo kale ciidanka la faray in aan cidna loo oggolaan booqasho.

Ciidamada ammaanka, gaar ahaan booliska, ayaa la sheegay inay si toos ah ula wareegeen mas’uuliyadda ilaalinta guriga iyo sidoo kale bixinta saadka iyo raashinka, si loo xakameeyo dhaqdhaqaaq kasta oo la xiriira taliyahaasi hore.

Tallaabadan ayaa la tilmaamay inay ka dambeyso amar sare oo ka soo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin sababta ka dambeysa go’aankan lagu soo rogay General Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaano Shub.

Arrintan ayaa la filayaa inay la xiriirto xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo maanta Mahad Shub laga qaaday xilkii Taliyaha Ciidanka Asluubta, kaasi oo loo magacaabay Sarreeeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa go’doon ku haysa maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana inta badan xilalkii laga qaaday taliyeyaashii u dhawaa Lafta-gareen ee ka howl-galayay gobollada Baay iyo Bakool.

Sidoo kale, dowladda dhexe ayaa shalay maamul cusub u magacowday degmada Waajiid ee isla gobolka Bakool oo laga taageeray qorshaheeda, iyadoo maantana dib u magacowday hoggaanka maamulka gobolka Bakool iyo kan degmada Xudur, kadib markii ay la safteen Dowladda Federaalka.

Koonfur Galbeed ayaa haatan wajaheyso xaalad adag oo ka dhalatay khilaafka kala dhexeeya Dowladda Federaalka, iyadoo weli ciidamo lagu sii wado deegaannada maamulkaasi, taas oo sii adkeynaysa xaaladda taagan, isla markaana keeni karta inuu qarxo dagaal u dhexeeya labada dhinac.

- Advertisement -

Read more

Local News