29.5 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Fahad oo digniin culus u diray Xasan Sheekh iyo Xamza kadib xarigga Taliye Shub

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa si adag uga hadlay xabsi guriga la geliyay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaano Shub.

Shub oo maanta xilka laga qaaday ayaa la geliyay xabsi guri kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda ay si buuxda ula wareegeen hoygiisa.

Fahad oo soo saaray farriin degdeg ah, ayaa wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre uga digay inay gacantooda ku furaan albaab waligiis ka xirnaan jiray siyaasada qaranka, kaas oo ah in masuulkii xilka laga qaado xabsi loogu baddalo.

“Waa dhaqan ugub ku ah dowlad dhiska Soomaaliya tan iyo markii la unkay Jamhuuriyadda 3-aad,” ayuu yiri Fahad oo si adag uga hadlay xarigga Jeneraal Shub.

Agaasimihii hore ee NISA ayaa ka dalbaday madaxda sare ee dalka inay si degdeg ah usoo daayaan Taliye Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

“Albaabkan haddii la furo lama yaqaano halka uu ku dhammaan doono,” ayuu yiri Fahad oo muujiyay cawaaqibta ka dhalan karta tallaabada uu ku dhaqaaqay hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Taliye Shub ayaa haatan xabsi guri ugu jira dowladda dhexe, iyadoo lagu wargeliyay inuu ku ekaado gudaha gurigiisa, isla markaana aan loo oggolaan doonin inuu bannaanka u baxo ama uu la kulmo dad kale, iyadoo sidoo kale ciidanka la faray in aan cidna loo oggolaan booqasho.

Ciidamada ammaanka, gaar ahaan booliska ayaa si toos ah ula wareegay mas’uuliyadda ilaalinta guriga iyo sidoo kale bixinta saadka iyo raashinka, si loo xakameeyo dhaq-dhaqaaq kasta oo la xiriira taliyahaasi hore.

Tallaabadan ayaa la tilmaamay inay ka dambeyso amar sare oo ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin sababta ka dambeysa go’aankan lagu soo rogay Taliye Shub.

Arrintan ayaa la filayaa inay la xiriirto xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, taas oo haatan mareysa meel xasaasi ah.

- Advertisement -

Read more

Local News