28.1 C
Mogadishu
Friday, April 10, 2026

Xamza oo xilalkii ka qaaday wasiirro la saftay Jubbaland iyo Puntland

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo goordhow wareegto soo saaray ayaa xilalkii ka qaaday laba wasiiru-dowle oo kamid ahaa xukuumaddiisa, isaga oo sababta ku sheegay si la xoojiyo howlaha wasaaradaha.

Sida ku cad wareegtada waxaa xilalkii lagaa qaaday Wasiiru-dowlihii wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Ismaaciil Shire Jaamac iyo wasiiru-dowlihii wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Asad Cabdirisaaq Maxamed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale go’aankiisa u cuskaday dastuurka JFS iyo sidoo kale xeer-hoosaadka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya.

“Go’aankan ayaa yimid kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruhu cuskaday qodobada 120-aad iyo kan 117-aad, ee dastuurka JFS iyo xeer-hoosaadka Golaha Wasiirrada, isla markaana la tixgaliyay baahida loo qabo in la sii xoojiyo hawlaha wasaaradaha” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xamza ayaa sidoo kale uga mahadceliyey masuuliyiinta xilalka laga qaaday muddadii ay u soo shaqeeyeen Qaranka, isaga oo u rajeeyey mustaqbal wanaagsan.

Labada wasiir ee la eryay oo kasoo jeeda Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa dhawaan Muqdisho horay uga sii raaceen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo shirar ka dhan dowladda ku qabtay magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah isbeddallo waa wayn oo ay wado xukuumadda, kuwaas oo la xiriira howlaha horyaalla, waxaana u dambeysay shalay oo ay Golaha Wasiirrada magacaabeen Taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, kadib  soo jeedin ka timid wasaaradda caddaaladda iyo arrimaha dastuurka, isaga oo beddalay Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) oo xilka looga qaaday sababo la xiriira xiisadda ka loolsan Koonfur Galbeed.

 

- Advertisement -

Read more

Local News