Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta qaaday tallaabadiisii ugu horreysay, isaga oo booqasho deg deg ah ku tegay xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.
Booqashadan ayaa waxaa taliyahn ku wehlinayay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Ilyaas Sheekh Cumar, iyadoo saraakiil ka tirsan taliska ay kusoo dhaweeyeen xarunt, kadibna warbixin ay siiyeen.
Sidoo kale, booqashada taliyaha iyo wasiirka ayaa ku saabsaneyd kormeeridda habsami u socodka shaqada taliska iyo is-barashada taliyaha iyo ciidanka.
Waxaa kale oo la qorsheeyay in laga shaqeeyo qaban-qaabada munaasabadda xl-wareejinta, iyadoo la filayo inay qabsoonto Sabtida soo socota.
Jeneraal Xaamud ayaa waxaa Arbacadii xilka u magacaabay golaha wasiirrada Soomaaliya, kadib soo jeedin ka timid wasaaradda caddaaladda iyo arrimaha dastuurka, isaga oo beddalay Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub), kaas oo xilka looga qaaday sababo la xiriira xiisadda ka loolsan Koonfur Galbeed.
Taliye Shub ayaa lagu soo warramayaa in haatan la geliyay xabsi guri, kadib markii ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula wareegeen hoygiisa, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in taliyihii hore lagu wargeliyay inuu ku ekaado gudaha gurigiisa, isla markaana aan loo oggolaan doonin inuu bannaanka u baxo ama uu la kulmo dad kale, iyadoo sidoo kale ciidanka la faray in aan cidna loo oggolaan booqasho.
Tallaabadan ayaa la tilmaamay inay ka dambeyso amar sare oo ka soo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin sababta ka dambeysa go’aankan lagu soo rogay General Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaano Shub.
Si guud Dowladda Soomaaliya ayaa go’doon ku haysa maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana inta badan xilalkii laga qaaday taliyeyaashii u dhawaa Lafta-gareen ee ka howl-galayay gobollada Baay iyo Bakool.


