30.9 C
Mogadishu
Friday, March 27, 2026

Xisbiga Xasan oo dhoolatus ka sameeyay Muqdisho xilli uu lumiyay xubno culus

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay magaalada Muqdisho ku qabsaday munaasabad u muuqatay dhoolatus siyaasadeed.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan xisbiga, kuwaas oo kulan muhiim ah la qaatay hawl-wadeennada xisbiga.

Kulankan oo diiradda lagu saaray dardar-gelinta howlaha hortabinta u leh xisbiga ayaa imanaya xilli xisbigu luminayay xubno miisaan leh, kadib khilaaf soo kala dhex-galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa sidoo kale si gaar ah loogu falanqeeyay halka uu marayo geeddi-socodka dhameystirka arrimaha la xiriira xubnaha golaha deegaanka ee dooran.

“Xisbiga waxaa ka go’an horumarinta dimuqraadiyadda iyo dhismaha dowladnimo ku dhisan hufnaan iyo isla-xisaabtan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Arbacaddii, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Xoghayaha Guud iyo xubinnimadii Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Odowaa oo xisbiga ka tirsanaa in ka badan 10 sano ayaa banaanka keenay khilaaf huursanaa oo soo kala dhex-galay isaga iyo Guddoomiyaha Xisbiga JSP, ahna Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Odowaa ayaa sheegay in madaxweynuhu uu xisbiga ka dhigay mid isaga ka billaabata kuna dhammaata, isla markaana uu diiday tixgelinta ra’yiga ka duwan midkiisa.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay inuu isku dayay in Xasan Sheekh uu ka joojiyo wax ka beddelka dastuurka oo xiisad siyaasadeed ka riday dalka, balse uu ka dhago adaygay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Xasan Sheekh uu si adag uga diiday siyaasadiisa burburinta dowlad-goboleedyada dalka. Odowaa ayaa tilmaamay in wixii hadda ka dambeeya uu abbaari doono jiho siyaadadeed oo ka duwan tii uu muddada dheer ku soo jiray.

Ugu dambeyntiina, Xildhibaanka ayaa sheegay inuu guntiga u xiran doono inuu bahwadaag la noqdo cid kasta oo ay ka midoobi karaan mabaadi’ida Soomaalinnimada iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News