31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

DF oo ku dhowaaqday in ay la wareegtay Baydhaba

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo faafin deg-deg ah soo saartay ayaa xaqiijisay in ay si buuxda ula wareegtay magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, kadib dagaal ay ciidamada xoogga dalka la galeen maamulka Lafta-gareen.

Warsaxaafadeedka dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadii taabacsanaa Lafta-gareen laga saaray magaalada, isla markaana uu hadda ka socdo howlgal amni xaqiijin ah.

“Saraakiisha amniga ayaa gudaha magaalada Baydhabo kuwaas oo ka wada hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga, ka dib markii laga saaray magaalada maleeshiyaad uu marin-habaabiyay hoggaamiyihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale, waxaa qoraalka lagu sheegay in ciidamada ay fureen waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhaba, ayna ka xoreeyeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:-

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn ah ayaa gaaray magaalada Baydhabo, ka dib markii ay waddada dheer ka sifeeyeen maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa.

Dhinaca kale, saraakiisha amniga ayaa gudaha magaalada Baydhabo kuwaas oo ka wada hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga, ka dib markii laga saaray magaalada maleeshiyaad uu marin-habaabiyay hoggaamiyihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, gudaha magaalada waxaa kula kulmay shacabka Baydhabo, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay wehliyaan qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Koonfur Galbeed oo horay uga soo horjeestay xadgudubyadii maamulkii hore iyo xiriirkii lala yeeshay Khawaarijta.

Boqolaal ka mid ah shacabka Baydhabo ayaa gudaha iyo daafaha magaalada kusoo dhaweeyay Ciidamada Qaranka, iyagoo muujinaya sida ay ugu faraxsan yihiin in laga xoreeyay maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa iyo kuwii xiriirka la lahaa.

- Advertisement -

Read more

Local News