28.8 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Lafta-gareen oo ogolaaday inuu wareejiyo maamulka K/Galbeed – Muxuu dalbaday?

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa la sheegay inuu dalbaday in uu dalka isaga baxo, isaga oo talada iyo maamulka ku wareejinaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli xaalad siyaasadeed oo cakiran ay ka taagan tahay magaalada Baydhabo.

Wararka laga helayo ilo wareedyo ku dhow Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in Lafta-gareen uu aqbalay inuu baneeyo kursiga, kadib markii dowladda ay awood militari kula wareegtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda la sheegay in ay weli ku adkeysaneyso in Lafta-gareen loo qaado magaalada Muqdisho, halkaas oo la sheegay in arrintiisa lagu dhammeystiri doono, taas oo walaac weyn uu ka qabo Cabdicasiis Lafta-gareen.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo Lafta-gareen uu lumiyay gebi ahaanba gacan ku haynta maamulka, isla markaana magaalada Baydhabo oo ugu dambeysay maanta la wareegeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa la baxay Badbaadada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, wasiirro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale ayaa isu soo dhiibay Dowladda Federaalka, iyadoo horey dowladda u sheegtay in aanay jiri doonin wax aargoosi ah, isla markaana aan cidna wax loo haysan.

Dowladda Federaalka ayaa la filayaa inay si rasmi ah u magacowdo cidda si ku-meel-gaar ah u maamuli doonta Baydhabo iyo hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Si kastaba, magaalada Baydhabo ayaa haatan la sheegaya inay tahay mid deggan, kadib markii ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa taabacsan ay si buuxda isugu fidiyeen magaalada, iyadoo ay socdaan wada-hadallo iyo abaabul siyaasadeed oo la xiriira mustaqbalka maamulka.

- Advertisement -

Read more

Local News