28.8 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Trump oo shaaciyey xilliga uu soo afjarayo dagaalka Iiraan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay in ciidamada Mareykanka ay “si dhaqso” u soo afjari doonaan howlgallada ay ka wadaan Iran, isagoo xusay waqti u dhexeeya laba illaa saddex toddobaad, xilli maamulkiisu uu dhinac wada-hadallo kula jiro Tehran, dhinaca kalena uu sii wado duqeymaha cirka.

Trump ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad ka dhacday Aqalka Cad, markii la weydiiyay saameynta uu sare u kaca qiimaha shidaalku yeeshay tan iyo markii dagaalku billowday 28-kii February. Wuxuu sheegay in hawlgalka Mareykanka uu marayo wejigii ugu dambeeyay, isla markaana aanu waqti dheer sii socon doonin.

“Waxa keliya ee ay tahay inaan sameyno waa inaan ka baxno Iran, taasna si dhaqso ah ayaan u sameyn doonnaa, markaasna way kala daadan doonaan,” ayuu yiri Trump.

Wuxuu intaas ku daray in howlgalku uu ku dhow yahay gebagebo.

“Waxaan dhameystireynaa shaqada, waxaana filayaa in muddo ku dhow laba toddobaad, ama dhowr maalmood oo ka badan, lagu soo afjari doono,” ayuu yiri.

Trump ayaa sidoo kale caddeeyay in bixitaanka Mareykanka uusan ku xirneyn in heshiis lala gaaro Iran, taas oo jawaab ahaan u xanibtay isu socodkii maraakiibta shidaalka ee marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz.

“Iyagu qasab kuma aha inay heshiis ila galaan,” ayuu Trump u sheegay weriyeyaasha gudaha xafiiska Oval Office.

“Marka aan hubinno in muddo dheer dib loogu celiyay heer aysan awoodin inay sameystaan hub nukliyeer ah, markaas waan bixi doonnaa,” ayuu yiri. “Heshiis ha jiro ama yuusan jirin, waxba igama beddeleyso.”

‘Taga oo qaata shidaalkiinna’

Trump ayaa mar kale ku celiyay fariintiisii ahayd in dalalka kale ay iyagu aadaan Marinka Hormuz si ay u helaan shidaalkooda, kadib markii xulafadiisa badankood ay diideen codsiyadii Mareykanka ee ahaa in gargaar militari laga geysto furitaanka marinkaasi.

“Haddii Faransiiska ama dal kale uu doonayo shidaal ama gaas, ha aadeen Marinka Hormuz, halkaas ha ka qaateen, naftoodana ha ka tashadeen,” ayuu yiri Trump.

“Waxa ka dhaca marinka annaga shaqo nagu ma laha, sababtoo ah dalalkan, sida Shiinaha, way tagayaan, maraakiibtooda ayay shidaal ka shubanayaan, naftoodana way ka tashanayaan. Sabab noogu jirta ma jirto inaan annagu arrintaas qabanno,” ayuu sii raaciyay.

Qoraal uu Talaadadii hore ku daabacay bartiisa Truth Social, Trump ayaa dalalka la daalaa dhacaya shidaal yaraanta si toos ah ugu yiri: “Taga oo qaata shidaalkiinna.”

“Mareykanka mar dambe idiinma imaan doono inuu idin caawiyo, sida idinkuna aydnaan noogu iman. Iran asal ahaan waa la burburiyay. Qeybtii adkeyd waa la qabtay. Taga oo qaata shidaalkiinna,” ayuu qoray.

Wasiirka difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa isna ku celiyay fariintaas shir jaraa’id uu qabtay, isagoo sheegay in arrinta Marinka Hormuz aysan noqon karin culays Mareykanka kaligiis saaran.

“Ma aha dhibaato annaga keliya na saaran wixii hadda ka dambeeya, inkastoo aan qaadnay qaybtii ugu weynayd ee diyaar-garowga lagu hubinayo in marinkaasi furnaado,” ayuu yiri Hegseth.

Wuxuu sidoo kale sheegay in maalmaha soo socda ee dagaalka Iran ay noqon doonaan kuwo go’aan leh, isaga oo diiday inuu meesha ka saaro suurta-galnimada in ciidamada lugta Mareykanka ay door ku yeeshaan colaadda.

“Maalmaha soo socda waxay noqon doonaan kuwo go’aan leh. Iran way ogtahay taas, waxaana ku dhow in aysan jirin wax militari ah oo ay ka qaban karto,” ayuu yiri.

Hegseth ayaa intaas ku daray inuu booqasho aan hore loo shaacin ugu tegay ciidamada Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya howlgalka ka dhanka ah Iran.

“Waxaan Sabtidii joognay xarunta CENTCOM muddo ku dhow nus maalin. Sababo la xiriira amniga howlgalka, si aan ciidamadaas loo bartilmaameedsan, looma magacaabi doono goobaha iyo saldhigyada,” ayuu yiri, isaga oo tixraacayay taliska Mareykanka ee qaabilsan gobolka.

Hadaladan cusub ayaa muujinaya in maamulka Trump uu doonayo inuu si dhaqso leh u soo afjaro wejiga milatari ee dagaalka, isaga oo aan sugeyn heshiis rasmi ah oo Tehran lala gaaro. Isla mar ahaantaana, Washington waxay u muuqataa inay xulafadeeda ku riixeyso inay iyagu qaadaan culayska furitaanka marinka Hormuz iyo sugidda isu socodka tamarta caalamka.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News