Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay shalay diiwaan-gelisay markab sita calanka Soomaaliya, hase yeeshee shirkaddii diiwaan-gelisay waa shirkad Turkish ah.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli sidoo kale la sheegay in rukhsadaha kalluumeysiga (leesinka malaayga) la siiyay shirkado Turkish ah.
Horey Turkiga wuxuu gacanta ugu hayay qaar ka mid ah ilaha dakhliga ugu muhiimsan dalka, sida dekedda Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Marka arrimahaas la isu geeyo, waxaa sii xoogeysanaya dareenka ah in Soomaaliya si tartiib tartiib ah ugu sii tiirsanayso hal dal oo shisheeye, ilaa ay dadka qaar ku tilmaamayaan in dalku isu beddelayo “Turkistaan”.
Walaaca saameynta Turkiga ee Soomaaliya
Saameynta sii kordheysa ee Turkey ee gudaha Soomaaliya ayaa noqotay mid si gaar ah loo hadal hayo, iyadoo lagu cabbirayo heerka ay gaarsiisan tahay gacanta ay ku leedahay ilaha muhiimka ah ee dalka.
Marka la eego xaalada jirta, Turkiga ma aha oo kaliya dal maalgashi ku sameeyay Soomaaliya, balse waa saaxiib istiraatiiji ah oo si qoto dheer uga dhex muuqda qaab-dhismeedka dowladnimo ee dalka.
Wuxuu maamulaa dekedda, garoonka diyaaradaha, wuxuu tababara ciidamo, wuxuuna ka fuliyaaa gudaha dalka mashaariic horumarineed oo waaweyn. Tani waxay keentay in doorkiisa uu ka gudbo iskaashi dhaqaale una gudbo saameyn siyaasadeed oo muuqata.
Falanqeyn ahaan, waxaa jira saddex heer oo saameyntan lagu fahmi karo. Heerka koowaad waa mid dhaqaale, halkaas oo Turkiga ay ka helay fursado ay uu maamulo ama ku sameeyo ilaha dakhliga ugu weyn ee dalka. Tani waxay siinaysaa awood dhaqaale oo u saamaxaysa inay si dadban u maamusho jihada kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.
Heerka labaad waa mid amni iyo milatari, maadaama Turkiga uu door weyn ku leetahay tababarka iyo qalabaynta ciidanka Soomaaliya.
Inkastoo tani ay muhiim u tahay dib u dhiska ciidamada, haddana waxay abuureysaa ku-tiirsanaan dhanka amniga ah, taas oo mustaqbalka keeni karta in go’aannada muhiimka ah ee amniga lagu saleeyo xiriirka lala leeyahay Ankara.
Heerka saddexaad waa mid siyaasadeed, kaas oo ah kan ugu xasaasisan. Dal kasta oo gacanta ku haya dhaqaale iyo amni, wuxuu si dabiici ah u yeelanayaa saameyn siyaasadeed.
Taas micnaheedu ma aha in Turkigu si toos ah u faragelinayo siyaasadda gudaha, balse waxay ka dhigan tahay inuu leeyahay awood ay uu ku saameyn karo go’aannada istiraatiijiga ah ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan marka la gaaro heer ay dowladda ku tiirsanaato taageeradiisa.
Haddaba, su’aasha muhiimka ah ma aha in Turkey ay faa’iido ka helayso Soomaaliya, taas waa arrin caadi ka ah xiriirka caalamiga ah, balse su’aashu waxay tahay: Soomaaliya ma ka faa’iideysaneysaa Turkiga si la mid ah ama ka badan inta laga faa’iideysanayo?
Haddii heshiisyada la galay ay yihiin kuwo daahfuran, caddaalad ah, isla markaana si siman u qeybiya faa’iidada, markaas iskaashigaas wuxuu noqon karaa mid wax dhisa.
Laakiin haddii ay jiraan mugdi ku saabsan qodobada heshiisyada, muddada ay soconayaan, iyo saamiga dhabta ah ee Soomaaliya, markaas waxaa jirta halis ah in dalka uu galo ku-tiirsanaan dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo waqti dheer socota.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in la fahmo in dhibaatadu aysan ku koobneyn Turkiga oo keliya. Soomaaliya waxay horey u soo martay heerar kala duwan oo ku-tiirsanaan ah oo ay la lahayd dalal kale. Sidaas darteed, arrintu waa nidaamka iyo awoodda dowladeed ee lagu ilaalinayo danaha qaranka, halkii ay noqon lahayd dal gaar ah oo la eedeynayo.
Xalka kama imaanayo in la diido maalgashiga shisheeye, balse wuxuu ku jiraa in la dhiso hay’ado awood leh, sharciyo cad, iyo hannaan isla xisaabtan oo hubiya in heshiis kasta oo la galo uu si dhab ah ugu adeegayo danaha shacabka Soomaaliyeed.
Si kastaba haddii aan si xeel dheer loo maareyn, waxa maanta loo arko iskaashi faa’iido leh ayaa berri isu beddeli kara ku-tiirsanaan culus. Waxayna khatartu tahay in ummad dhan lagu qanciyo wax aan u qalmin, iyadoo khayraadkeedii iyo madax-bannaanideedii dhaqaale si tartiib tartiib ah uga sii siibanayaan gacanteeda.

