28.3 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

CC Sharmaarke oo digniin adag kasoo saaray hoos u dhigista awoodda K/Galbeed

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, isagoo sheegay in hoos loo dhigay awoodii maamulkaas.

Cumar Cabdirashiid ayaa waxa uu sheegay in awooddii maamulka Koonfur Galbeed loo rogay awood hoose oo si toos ah uga amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in aanay jirin wax sharci ah oo ogolaanaya in dowlad-goboleed lagu beddelo maamul KMG ah oo ka amar qaata dowladda dhexe, isagoo carrabka ku adkeeyay in nidaamka federaalka uu ku dhisan yahay awood qeybsiga dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe.

“Doorashooyin waa lagu qaban karaa iyadoo uu jiro maamul ku-meel-gaar ah oo heer dowlad-goboleed ah, balse su’aasha taagan waa haddii Dowladda Federaalka ay isku dayeyso inay dib u qorto jihada mustaqbalka nidaamka federaalka,” ayuu yiri Ra’iisul wasaarihii hore.

Wuxuu sidoo kale ka digay in tallaabo kasta oo loogu xadgudbo dastuurka dalka ay dib u celin karto horumarka siyaasadeed ee la gaaray, isla markaana ay dalka gelin karto qalalaase cusub oo dhinaca dowladnimada ah.

Hadalka Cumar Cabdirashiid ayaa imanaya xilli ay jiraan dooddo xooggan oo ku saabsan go’aamada Dowladda Federaalka ee ku aaddan maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada qaarkood ay muujinayaan walaac ku saabsan ilaalinta nidaamka federaalka iyo madax-bannaanida dowlad-goboleedyada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa Arbacaddii soo saaray digreeto uu ku magacaabayo hoggaamiye KMG ah oo uu yeelanayo maamulka Koonfur Galbeed, kaasi loo magacaabay Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

Jibriil ayaa hadda ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee dalka, wuxuuna beddelayaa Cabdicasiis Lafta-gareen, oo awood ciidan lagu dhaafiyay xukunka.

- Advertisement -

Read more

Local News