Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo xalay ka dhacday banaanka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, taas oo lala beegsaday Al-Shabaab.
Duqeynta oo ahayd bartilmaameed ayaa si gaar ah uga dhacday inta u dhexeysa Baydhaba iyo Daynuunaay, iyadoo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo isku uruursanayay halkaasi.
Diyaaradaha dagaalka ee saaxibada caalamiga ah oo fuliyay duqeynta ayaa dhowr gantaal ku dhuftay goobta ay ku sugnaayeen maleeshiyada kooxda.
Ujeedka Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu ahaa inay carqaladeeyaan amniga Baydhaba, balse xog la helay kadib ayaa lagu duqeeyay isla goobta.
Sidoo kale, waxaa lasoo wariyay in khasaare culus uu soo gaaray Khawaarijta, isla markaana dhimasho iyo dhaawac badan loo gaystay, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.
Xaaladda weli cakiran, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada, oo ay isku fidiyeen ciidamada dowladda oo dhawaan howlgal ku gaaray magaaladaas.
Maalmo kahor ayay ahayd markii Al-Shabaab iyo milatariga Soomaaliya ay isku fara saareen deegaanka Daynuunaay, halkaas oo lagu jabiyay Khawaarijta, waxaana kadib ciidamada ay soo galeen magaalada Baydhaba.
Howlgalladan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan magaalada uu ku sugan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku howlan dhismaha maamulka cusub ee Koonfur Galbeed, kadib markii la riday madaxweyne Lafta-gareen.

