Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa xabsiga laga sii daayay guddoomiyihii degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, Cismaan Muriidi Cali oo maanta loo taxaabay xabsiga dhexe ee Xamar, kadib amar diido uu sameeyay.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in guddoomiyaha lasoo daayay goordhow, kadib markii ay xarigiisa amartay maxkamadda gobolka Banaadir oo ku eedeysay in uu hor istaag ku sameeyay fulin maxkamadeed oo ku aadan dhul ku yaalla gudaha degmada Xamarweyne.
Sidoo kale, xafiiska Xeer ilaalinta oo maanta loogu yeeray guddoomiye Cismaan ayaa ku wargeliyay xariggiisa, sidaas ayaana loogu gudbiyay xabsiga dhexe, inkastoo saacado kadib uu dib u helay xorriyaddiisa.
Si kastaba, dadaallo ay sameeyeen mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir, xildhibaanno iyo dad kale oo wax-gal ah ayaa lagu soo daayay guddoomiyaha, taas oo ka badbaadisay in caawa uu ku hoydo xabsiga dhexe ee Xamar.
Horay guddoomiye Cismaan Muriidi ayaa usoo saaray warsaxaafadeed uu ku diidayo sida uu sheegay boob lagu hayo dhulalka danta guud ee ku yaalla degmadaas.
“Hal Taako oo ka mid ah goobaha danta guud ee Xamar Weyne Sinaba looma dhisan doono. Xeer Ilaalinta iyo hay’adaha kale ee khuseeya iigu yeera subax kasta, waa diyaar waqtina waan siinnayaa, Xushmad aad u wayn ayaan u hayaa hey’adaha garsoorka, Hase yeeshee, taas micnaheedu ma aha in aan ka tanaasuli doono ilaalinta hantida dadweynaha, Waajibkayga iyo mas’uuliyadda iga saaran Xamar Weyne marna kama laabanayo” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda, oo ah awoodda ugu sarreysa ee ilaalinta nidaamka, sharciga, iyo hantida guud, Go’aan kasta oo la xiriira masiirka iyo hantida dadweynaha, Madamaa wakiil uga ahay, cid sedexaad oo aan ka aqbaleyno wado danta guud ah iney dhisato majiri doonto”.
Si kastaba, ha’ahaatee xariga saacadaha qaatay ee loo gaystay guddoomiyaha maamulka degmada Xamarweyne ayaa dhaliyay hadal-heyn xooggan, maadaama si weyn loogu falanqeeyay baraha bulshada ee Internet-ka

