29.1 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

Doorasho maanta ka dhacday Baydhaba – Yaa kusoo baxay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa maanta lagu qabtay doorashada kursi kamid ah Golaha Shacabka oo muddo dheer banaanaa, iyada oo ay ahayd mid dadban.

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kusoo baxay kursiga oo tirsigiisu yahay Hop#204, kadib doorasho galabta ka dhacday magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ka ah ee Koonfur Galbeed.

Kursigan ayaa waxaa horay ugu fadhiyay Xildhibaan Isaaq Cali Subag, iyada oo hadda la’isla gartay in la soo buuxiyo, waxaana ku guuleystay Jaamac, kadib markii uu tanaasulay musharrixii la tartamayay Cabdirisaaq Cabdullaahi Nuur

Xildhibaankii ku fadhiyay Kursigan ayaa la sheegay in muddo laba kala fadhi ah aanu xaadirin baarlamanka, taas oo hadda keentay in is-faham laga gaaro lana soo buuxiyo, sida maanta dhacday.

Guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa qabtay doorashada kursigan oo deg-deg ahayd, maadaama isla maanta doorashadiisa, isla maantana la qabtay.

Wasiir ku guuleystay ee Jaamac ayaa horay kursigaan u raadiyay waxaase ka hortaagnaa maamulka Cabdicasiis Lafta-gareen, oo dhawaan laga saaray Baydhaba, sida uu shaaciyay taliyihii hore ciidanka Asluubta oo wareysi bixiyay.

Dhinaca kale, Xildhibaankii ku fadhiyay kursiga #HOP204  ee Isaaq Cali Subag oo isna qoraal soo dhigay guruubka WhatsApp-ka ee Golaha Shacabka ayaa ku dooday in kursigiisa laga dhacay, isla markaana uusan waxba ka ogeyn in maanta Baydhabo loogu dooranayo Cabdulqaadir Maxamed Jaamac

Waxaa kale oo uu intaas ku daray uusan kursigiisa ka tanaasulin ama iibsan, uuna kasoo horjeedo doorashada maanta ka dhacday magaalada Baydhaba.

- Advertisement -

Read more

Local News