Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Mudane Cismaan Muxiyadiin Shaatax oo wareysi gaar ah siiyay Somali Cable Tv ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee Koonfur Galbeed, maadaama isbeddel wayn uu ka dhacday maamulkaasi.
Shaatax ayaa sheegay in markii hore uu khalad doorasho sameeyay Cabdicasiis Lafta-gareen, isla markaana tallaabadii xigtay ee ay qaaday dowladda, iyana ay ahayd khalad kale oo wayn, sida uu hadalka u dhigay.
“Annaga waxaa u arkeynaa Lafta-gareen qaabkii uu sameeyay doorashooyinka inay ahayd ahayd khalad tallaabadii ka dambeysay ee ay qaaday DFS inay iyana khalad ahayd maxaa yeelay nidaamka federaalka ayay kasoo horjeedaa” ayuu wareysiga yiri guddoomiye Cismaan Muxiyadiin Shaatax.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dhibkii dhacay lagu xaliyay dhib kale, isla markaana mushkilo horleh laga abuuray Koonfur Galbeed, isaga oo sababta ku sheegay in qaabka loo wado aanay ahayn sharci waafaqsan nidaamka dalka.
Waxaa kale oo uu ku daray “Haddii problem lagu xalliyo problem kale waxaad abuurtay dhibaato kale ee xal ma aadan sameyn kaasna wuxuu sii abuuri doonaa mid kale, runtii waxaan mar kale laga maarmeen in la helo xal waaro”.
Cismaan Shaatax ayaa sidoo kale xusay inay habooneed in lagu dhaqmo dastuurka Koonfur Galbeed, lana ixtiraamo nidaamka federaalka ah, si loo sii wado howlaha maamul ee Baydhaba.
“Madaxweynihii maamulka haddii uu meesha ka tegay waxay ahayd in la fiiriyo waxa uu dastuurkooda qabo oo nidaamkaas wax lagu maamulo. Qaabka ay hadda wax u socdaan waxay u ek-tahay qaab maamul cusub loo sameynaayo iyo nidaam cusub, taas oo meesha ka saareya wixii horay u jiray ayuu mar kale yiri Gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dowladda dhexe ay mashaquulsan tahay dhismaha maamul cusub oo ay u sameyneyso Koonfur Galbeed, waxaana ay u magacowday hoggaamiye kumeel-gaar ah oo maamulka sii wada inta lasoo dooranayo baarlamaan iyo madaxweyne cusub.

