Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kana howl-galla deegaannada dowlad-goboleedka Jubaland ayaa maanta qalab caafimaad ku wareejiy ciidamada xoogga dalka ee ku sugan degmada Dhoobley.
War-saxaafadeed kasoo baxay taliska howlgalka ayaa lagu sheegay in agabkan caafimaad uu yahay mid loogu talagalay xoojinta adeegyada caafimaad ee ciidamada ku sugan furimaha hore, gaar ahaan kuwa la shaqeeya ciidamada AUSSOM, kuwaas oo si joogto ah uga qeyb qaata howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Deeqdan caafimaad ayaa ka koobnayd qalab loogu talagalay qalliinnada, dawooyin kala duwan iyo agab kale oo muhiim u ah badbaadinta nolosha askarta dhaawacanta, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray baahiyaha deg-degga ah ee ka jira goobaha dagaalka.
Taliyaha howl-gallada ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AUSSOM ayaa sheegay in agabkan uu door muhiim ah ka qaadan doono daryeelka caafimaad ee ciidamada la shaqeeya, isagoo xusay in ay sare u qaadi doonto awoodda ay u leeyihiin la tacaalidda dhaawacyada iyo xaaladaha degdegga ah.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in taageeradan ay qeyb ka tahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa dowladda Soomaaliya, si loo gaaro amni waara iyo xasillooni buuxda oo ka hanaqaada deegaannada ay ka howlgalaan.
Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Daraawiishta dowlad-goboleedyada iyo askarta howlgalka AUSSOM ayaa leh wada-shaqeyn dhow, iyagoo iska kaashanaya fulinta howl-gallada wadajirka ah, daweynta dhaawacyada iyo arrimo kale oo muhiim u ah guusha howlgalada amniga ee dalka.
Maalmo kahor ayey aheyd markii ciidamada howlgalka AUSSOM ee ku sugan Jowhar ay qaadeen olole caafimaad oo loogu talagalay bulshada HirShabelle, si loo xoojiyo xiriirka bulshada iyadoo loo marayo dadaallo bini’aadantinimo.
Ololahaas caafimaad ee ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Jowhar ayaa u adeegay dadka ku nool xerada barakacayaasha Towfik (IDP) iyo tuulooyinka ku dhow.
Shaqaalaha caafimaadka ee AUSSOM ee ka socda Burundi, oo ka hawlgala isbitaalka heerka 1-aad (Level 1 hospital), ayaa daweeyay ugu yaraan 20 bukaan, oo ay ku jiraan haween, carruur, iyo dad waayeel ah oo qaba xaalado caafimaad oo kala duwan.
Arrintan ayuu taliska ku tilmaamay mid muujineysa sida ay uga go’an tahay howlgalka taageeridda bulshada, gaar ahaan kuwa aan si fudud u heli karin adeegyada caafimaadka.

