30.1 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Daawo: Macallin Mahdi oo jawaab kulul siiyay mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macallin Mahdi oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa jawaab kulul siiyay xubnaha mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqyada ka wada Muqdisho.

Macallin Mahdi ayaa shaaca ka qaaday in aan cidna laga yeeli doonin khalkhal gelinta amniga caasimada, isla markaana ay ka hortegi doonaan cid kasta oo loo arko inay halis ku tahay nabad-geliyada iyo xasiloonida caasimada.

“Kuwa dhahaayo hala soo baxo, dhahaayo 15-ka May ayay noo tahay mas’uuliyad ayaa naga saaran waa mas’uuliyiinteenii shalay waan u sheegnay  in amniga Muqdisho aan laga gorgortameynin” ayuu yiri Macallin Mahdi.

Sidoo kale, wuxuu si adag u difaacay dastuurka cusub ee la ansixiyay, isaga oo sheegay in ay ku shaqeyn doonaan, isla markaana warbaahinta laga rab in aysan durin, maadaama uu ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliyeed ee dalka.

“Waa inaan ku wada shaqeyno ummadaan Soomaaliyeed waxay ku heshiisay oo ay ansaxsatay inaan ku wada shaqeyno ayaa la rabnaa Baarlamaankaa ansixiyay dhibaa laga maray, waana la meel-mariyay” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo muddo xileedka Baarlamaanka uu shalay ku ekaa, waxaana isa soo taraya walaaca laga muujinayo hubaanti la’aanta siyaasadeed ee dalka. Waxaa kale oo xusid mudan in muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheeh uu isna ka harsanyahay 30 cisho oo kaliya.

Mucaaradka oo xulafo la ah Jubbaland iyo Puntland ayaa haatan ka digaya in dalku gao firaaq dastuuri ah, iyaga oo fariimo u dirayo beesha caalamka, si cadaadis loo saaro madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumadda Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News