28.1 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Israa’iil oo safiirkii ugu horreeyey u magacowday Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tel Aviv (Caasimada Online) — Israa’iil ayaa Arbacadii magacawday safiirkeedii ugu horreeyay ee u qaabilsan maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland, taas oo sii qoto-dheeraynaysa khilaafka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya dowladda federaalka ee Muqdisho.

Tallaabada ay maanta qaaday Tel-Aviv ayaa imanaysa bilo uun kadib markii ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada madax-bannaanida Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa sheegtay in diblomaasiga ruug-caddaaga ah ee Michael Lotem loo magacaabay safiirka aan fadhigiisu ahayn Hargeysa (non-resident ambassador) ee u qaabilsan Somaliland. Warbaahinta Israa’iil ayaa tabisay in Lotem uu horay usoo noqday safiirka dalkaas u fadhiya Kenya, Asarbayjaan iyo Kasakhistaan.

Magacaabistan ayaa ka dambeysay tallaabadii ay Israa’iil qaadday 26-kii Diseembar 2025 markaas oo ay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo qaran ah.”

Go’aankaas oo jebiyay in ka badan 30 sano oo aqoonsi la’aan caalami ah, ayaa markiiba la kulmay cambaareyn kulul oo uga timid xukuumadda Muqdisho iyo dalal kale oo dhowr ah.

Tallaabadan cusub ayaa la filayaa inay sii huriso carada dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo Somaliland u aragta qayb ka mid ah dhulkeeda, si isdaba-joog ahna u cambaareysay xiriir kasta oo toos ah oo ay dowladaha shisheeye la yeeshaan maamulka Hargeysa, iyadoo ku tilmaanta xadgudub ka dhan ah madax-bannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed.

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ayaa muddo dheer ku doodeysay in raadinteeda qaranimo ay tahay mid gaar ah. Maamulkan ayaa qadiyaddiisa dib ugu celiya 26-kii Juun 1960-kii, markaas oo dhulkii la oran jiray British Somaliland uu xornimadiisa qaatay.

Waxay sheegtaa in ay ahaan jirtay dowlad madax-bannaan muddo shan maalmood ah kahor inta aysan la midoobin koonfurtii uu Talyaanigu maamuli jiray, si loo unko Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Kadib burburkii dowladdii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1991-kii, Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay dib ula soo noqotay xornimadiisii hor, balse marna ma helin aqoonsi calami ah.

Bishii Febraayo ee sanadkan, Israa’iil ayaa si rasmi ah u guddoontay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u magacawday Tel Aviv, Maxamed Xaaji, taas oo calaamad u ahayd in magacaabis laba-geesood ah ay xigi doonto.

Magacaabista Lotem ee Arbacadii ayaa dhameystireysa tillaabadii xigtay, waxayna muujineysaa in labada dhinac ay ka gudbayaan aqoonsi astaan uun ah, ayna u tallaabayaan xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah.

Israa’iil ayaa xustay in xiriirkan uu waddada u xaari karo iskaashi ballaaran oo dhinacyada amniga, teknoolajiyada, caafimaadka iyo beeraha ah.

Horumarkan ayaa sidoo kale guul weyn oo dhanka siyaasadda arrimaha dibadda ah u ah Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, oo loo yaqaano Cirro, kaas oo xafiiska la wareegay bishii Diseembar 2024 kadib markii uu doorashada kaga adkaaday madaxweynihii xilka hayay Muuse Biixi Cabdi.

Balse dhanka Muqdisho, xiriirka sii kobcaya ee Israa’iil iyo Somaliland wuxuu taabanayaa xuddunta arrimaha qaranimada iyo madax-bannaanida. Soomaaliya ayaa weli ku adkeysanaysa in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah qaranka Soomaaliyeed, iyadoo dhammaan jilayaasha gobolka iyo kuwa caalamkuna ay weli taageersan yihiin mowqifkaas.

Sidaa darteed, magacaabista safiirka ee Arbacadii waa tallaabo kale oo astaan u ah sida mar kasta Israa’iil u jebiso xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah.

- Advertisement -

Read more

Local News