Sanca (Caasimada Online) — Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee maamulka Xuutiyiinta Yemen ayaa Jimcaihii si adag uga digtay waxa ay ku tilmaantay doorka sii kordhaya ee Israa’iil ay ka waddo Soomaaliya, iyagoo sheegay in magacaabista safiirka cusub ee Hargeysa ay tahay xadgudub ka dhan ah qaranimada Soomaaliya, isla markaana ay halis gelin karto xasilloonida marin-biyoodka Badda Cas.
Bayaan lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Saba, oo uu maamulo maamulka Xuutiyiinta ee fadhigiisu yahay caasimadda Sanca, ayaa wasaaraddu ku sheegtay in joogitaan kasta oo Israa’iil ay ku yeelato Somaliland uu yahay “xarriiq cas” oo aan la aqbali karin. Maamulka ayaa ku eedeeyay dowladda Israa’iil inay doonayso in maamulkan gooni-goosadka ah ay u adeegsato saldhig laga soo abaabulo falal ka dhan ah Soomaaliya iyo dalalka kale ee gobolka.
Wasaaradda ayaa carrabka ku adkaysay in tallaabadani ay tahay xadgudub “qaawan” oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo madax-bannaanida, xornimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Sidoo kale, waxay ka digtay in joogitaanka Israa’iil ee Somaliland uu wiiqi doono amniga Geeska Afrika, wuxuuna khatar toos ah ku yahay Badda Cas, Gacanka Cadmeed, isku-socodka maraakiibta caalamiga ah iyo guud ahaan ganacsiga adduunka.
Bayaanka Xuutiyiinta ayaa baaq degdeg ah u diray waddamada dhaca xeebaha Badda Cas, iyo sidoo kale dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka, si ay u qaadaan tallaabooyin dhab ah oo looga hortagayo qorsheyaasha Israa’iil ee Soomaaliya.
Digniintan xasaasiga ah ayaa soo baxeysa maalmo uun kadib markii Israa’iil ay ku dhawaaqday in diblomaasiga lagu magacaabo Michael Lotem uu noqon doono safiirkeedii ugu horreeyay ee aan fadhigiisu ahayn Somaliland (non-resident ambassador). Tallaabadan oo sii qoto-dheeraynaysa xiriirka Tel Aviv iyo maamulka is-magacaabay, ayaa si weyn uga careysiisay dowladda Muqdisho, waxayna soo jiidatay indhaha dalalka gobolka.
Israa’iil ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland bishii Diseembar ee sanadkii hore, iyadoo noqotay waddankii ugu horreeyay ee tillaabadaas qaada. Dowladda Soomaaliya ayaa markiiba si kulul u cambaaraysay go’aankaas, iyadoo adkaysay in Somaliland ay tahay qayb ma-guuraan ah oo ka mid ah dhulka Soomaaliya, isla markaana xiriir kasta oo shisheeye oo lala yeesho Hargeysa oggolaansho la’aan uu yahay mid sharci-darro ah.
Khilaafkan diblomaasiyadeed ayaa cirka isku shareeray bilihii la soo dhaafay. Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Saar, oo bishii Janaayo booqasho ku tagay Hargeysa, ayaa ballan-qaaday in Israa’iil ay xoojin doonto xiriirka, furi doonto safaarad, isla markaana ay magacaabi doonto safiir. Hadalkaas ayaa dhaliyay dhaleeceyn xooggan oo ka timid dowladda Soomaaliya iyo cambaareyn ay soo saareen dhowr urur goboleed.
Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii kaddib burburkii dowladdii dhexe. Tan iyo xilligaas, waxay dhisatay dowlad, hay’ado ammaan iyo lacag u gaar ah, balse Soomaaliya iyo inta badan beesha caalamka ayaa weli u aqoonsan inay tahay qayb ka mid ah jamhuuriyadda Soomaaliya.
Meesha istaraatiijiga ah ee ay Somaliland kaga taallo Gacanka Cadmeed, oo ku dhow mid ka mid ah marinnada badda ee ugu mashquulka badan adduunka, kana soo horjeedda qaybaha ay Xuutiyiintu ka maamulaan dalka Yemen, ayaa xiriirka Israa’iil iyo Hargeysa ka dhigtay mid leh saameyn ka baxsan xuduudaha Geeska Afrika.
Kooxda Xuutiyiinta, oo gacanta ku haysa inta badan waqooyiga Yemen oo ay ku jirto caasimadda Sanca, ayaa muddo bilo ah qalalaasaha amniga ee Badda Cas ku xirayay iska-hor-imaadkooda ballaaran ee ay kula jiraan Israa’iil. Hadalkoodan dambe ayaa si cad u muujinaya inay hadda u arkaan dhaqdhaqaaqa diblomaasiyadeed ee Israa’iil ee Somaliland inuu qayb ka yahay isla loollankaas gobolka ka socda.

