28.2 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

Xiisad u dhaxeysa Jubaland iyo DF oo ka taagay Gedo kadib markiii la shaaciyey in…

Bookmark
Bookmarked

Share

Ksimaayo (Caasimada Onlin) – Maamul-Goboleedka Jubaland ayaa si adag uga horyimid qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay ku dooneyso in ay doorasho uga qabto deegaanno ka tirsan maamulkaas, gaar ahaan gobolka Gedo, sida uu dhawaan shaaciyay guddiga doorashooyinka madaxa bannaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay BBC-day ayaa sheegay in ay la yaab ku noqotay sababta ay dowladda dhexe u daneynayso in Gedo oo kaliya ay doorasho uga qabto, maadama Jubbaland ay ka kooban tahay saddex gobol.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa xusay in aysanba aqoonsaneen guddiga doorashooyinka ee soo saaray jadwalka doorashada laga qabanayo degmooyin ka tirsan Gedo, isla markaana lagu soo dooranayo goleyaasha deegaanka.

“Guddi doorasho oo waajibaadkiisa iyo jiritaankiisa aan annaga aqoonsanahay ma jiro waa guddi ay koox sameysatay dowladda dhexe iyo Xasan Sheekh sameysteen, marka laga soo tego guddiga waxaa la yaableh Jubbaland ayaa doorasho ka qabaneynaa, gaar ahaan Gedo” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Maamul-Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Waxaa kale oo uu intaas kusii daray “Waa niman iska hadlaya oo caalamka iyo dadweynaha Soomaaliyeed khaldaya oo jadwal iska sameystay rabana in xaaladda dalkana ay sii murjiyaan”.

Dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay in iyagu ay xaq u leeyihiin in ay doorashooyinkooda qabsadaan, isla markaana guddiga doorashada Jubbaland uu haatan ku howlan yahay inuu ka bilaabo degmooyinka gobolka Gedo.

“Waa arrin been ah, waana wax aan dhici karin doorashada goleyaasha deegaanka waxaa xaq-u-leh inay qabtaan guddiga doorasjooyinka iyo xuduudaha heer State oo dastuuri ah, waana ku howlan yihiin doorashada goleyaasha deegaannada”. ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu ku goodiyay, haddii dowladdu ay ku dhiirato arrintaas, gaar ahaan doorashada in ay is difaaci doonaan, sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Read more

Local News