Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ah oo u dhexeeyay siyaasiyiinta mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa maanta ka dhacay guriga madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaas oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Kulankan oo ay u dhamaayeen siyaasiyiinta kasoo jeedo Muqdisho ayaa odayaasha Hawiye kala hadlay xiisadda taagan, gaar ahaan is-mariwaaga u dhexeeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo mucaaradka dalka, si xal waara loogu helo arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid wadatashi ah, iyadoo diiradda lagu saaray marxalada kala guurka ah ee dalka, maadaama uu sii dhammaanayo muddo xileedka madaxweynaha.
Siyaasiyiinta mucaaradka oo ay xulafo la yihiin Jubbaland iyo Puntland ayaa Dowladda Federaalka ee uu hogagaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeynayo in aysan diyaarin nidaam doorasho oo la’isku raacsan yahay, iyadoo uu dhammaaday muddo xileedkii hay’adaha dowladda.
Maalmihii dambe mucaaradka ayaa Muqdisho ka waday dhaq-dhaqaaq culus oo siyaasadeed, loogana soo horjeedo qorshaha dowladda ee la xiriira muddo kororsiga, si dalka loo gaarsiiyo doorashooyin toos ah oo qof iyo cod ah.
Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa marxalad xasaasi ah, waxayna taagan tahay isgoys siyaasadeed oo adag, iyadoo la’isku hayo nooca doorasho ee ka dhaceysa dalka.
Waxaa kale oo intaas sii dheer xaalado bani’aanimo oo ka jira qaybo badan oo kamid ah dalka, kuwaas oo ka dhashay abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.

