31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Wasiir Jaamac oo jawaab siiyay mucaaradka: Xaal qaado Mucaaradnimooy

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal soo saaray ayaa jawaab adag siiyay xubnaha mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ka wada magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Jaamac ayaa shaaca ka qaaday inuu aad ula yaabay ficilada mucaaradka, isaga oo sheegay inay si xun uga faa’iideysanayaan daruufta shacabka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in aysan si dhab ah ugu faraxsaneen horumarka dalka, isla markaana hadalladooda laga dheehan karo cabsi ay ka qabaan in Soomaaliya ka baxdo faqri oo kheyraadkeeda la soo saaro, gaar ahaan shidaalka.

“Mucaaradnimooy xaal qaado. Inta aan dhegeysanaayey hadalada odayaasha waxaa iigu yaabka badnaa in ay welwel ka qabaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed iney faqriga ka baxaan oo kheyraadkooda shidaalka ugu horeeyo loo soo saaro.  Shacbkayagoow Qofka inaad hayado iyo dowldo tuugsato iyo in gaajo loo dhinto aan wal wal ku haynin, walwalkiisa ugu weyn uu yahay  inaad faqriga ka baxdo masuuliyad ma ku aamini lahayd”. ayuu yiri Wasiirku.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay inay mashruuc kasoo qaateen dalal shisheeye, isla markaana ay doonayaan in dalka lagu hayo meeshiisa.

“Waa mashruuc shisheeye in Soomaaliya gaajada lagu haayo mana yeeeleyno”. ayuu mar kale yiri Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda.

Dhankooda mucaaradka ayaa iyaguna dhaleeceynaya madaxda Dowladda Federaalka, maadaama uusii dhammaanayo muddo xileedkooda. Si gaar ah mucaaradka ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu rabo inuu xukunka iska sii haysto, ama uu qabsado doorasho iskiis ah.

“Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu na kala dooran siinayaa laba shay oo kala ah inuu meesha iska joogo iyo in doorasho uu natiijadeeda isaga ogyahay uu qabsado labadana lama yeeli karo”. ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed oo kamid ah xubnaha mucaaradka ee haatan shirarka ka wada Muqdisho.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Soomaaliya ay wajaheyso xaalad hubanti la’aan ah, isla markaana weli la’isku fahmi la’yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka.

- Advertisement -

Read more

Local News