Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Maamul-goboleedka Puntland, Mudane Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa si kulul uga hadlay marxaladda kala guurka ee Soomaaliya, gaar ahaan dhammaadka muddo xileedka hay’adaha Dowladda Federaalka.
Qarjab ayaa shaaca ka qaaday in dalka u galayo xaalad mugdi ah, isla markaana aan la saadaali karin waxa dhacaya, haddii la gaaro 15-ka May oo uu ku egyahay muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, inkastoo dowladdiisa ay ku doodeyso muddo kordhin hal sano ah oo lagu caddeeyay dastuurka cusub ee ay meel-mariyeen labada Gole ee Baarlamaanka.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo walwal badan muujinayo ayaa farriin u diray shacabka maamulkaasi, isaga oo ugu baaqay inay dagaal u diyaar garoobaan, isla markaana ay la shaqeeyaan madaxdooda.
“Dowladda aynu dhisanay oo aan ku khasaarnay waxaa u dhiman 20 iyo dhowr cisho, Xildhibaannadiina waqtigii waa ka dhamaayay meel ay caawa u socotana lama yaqaano bal si uubaa wax noqonayaan aan diyaar garowno”. ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha dowlad-goboleedka Puntland.
Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa si cad dadka ugu sheegay inay diyaarsadaan hubkooda, ayna u diyaar garoobaan difaac, haddii lasoo aado dhanka Puntland.
“Qof weliba oo qorigiisa dhulka ka yiilay ha sifeysto saliid ha marsado difaacna ha u diyaar garoobo”. ayuu mar kale yiri Wasiir Qarjab.
Waxaa kale oo uu wasiirku intaasi kusii daray “Annaga oo aan rabsho bilaabeyn ayaa waxaa la rabaa inaynu sidaas u wada diyaar garowno inaynu talo wada yeelano ayaa la rabaa inaynu is-cafino ayaa la rabaa”.
Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo shalay kasoo yeeray wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee Puntland, kadib markii ay shaaca ka qaadday in ay qaadi doonto tallaabooyin ka dhan ah Soomaalida iyo ajaaniibta ku lugta leh kalluumaysiga sharci-darrada ah ee ka socda xeebaha Puntland.

