Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kasoo dejisay 174 dhalinyaro oo laga soo celiyay dalka Liibiya, kadib markii ay la kulmeen duruufo aad u adag.
Mas’uuliyiin uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaraadda Arrimaha Dibadda, Xasan Maxamed Cali ayaa garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ku soo dhaweeyay dhalinyarada Soomaaliyeed ee laga soo celiyay Liibiya.
Dhalinyaradan ayaa la sheegay inay soo mareen xaalado adag oo dhinaca bani’aadantinimada ah, oo ay ka mid ahaayeen xabsi, jirdil iyo nolol aad u liidata.
Dib u soo celinta muwaadiniintaan waxaa hoggaaminayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyadoo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku caawinayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dibadda, isla markaana lagu yareynaayo dhibaatooyinka ay wajahaan.
Tan waxay sidoo kale daba socota booqashadii uu Wasiirka Waraaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali ku tagay Liibiya, taas oo gacan ka geysatay xoojinta iskaashiga dib loogu soo celinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed si ammaan ah.
Howl-galka soo celinta waxaa fuliyay Waaxda Arrimaha Qurbajoogta, iyadoo lala kaashanayo hay’adda International Organization for Migration (IOM), Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya.
Muwaadiniintan ayaa markii ay yimaadeen Muqdisho waxaa la siiyay gargaar degdeg ah oo ay ka mid yihiin daryeel caafimaad, hoy ku meel gaar ah iyo taageero nafsiyeed, waxaana loo diyaarinayaa barnaamijyo dib u dhexgal bulsho ah, si noloshooda ay dib ugu bilaabaan.
Wasaaradda Arimaha Dibadda ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyo wax ka qabashada sababaha keenaya tahriibka sharci darrada ah iyadoo la ballaarinayo fursadaha gudaha dalka.










