Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ka hadlay xaaladda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan weli gaarin heer ay si madax-bannaan ula dagaalanto kooxdaas.
Sanbaloolshe oo wareysi bixiyay ayaa markii u horreysay banaanka keenay caqabadaha weli hortaagan Soomaaliya ee ku aaddan inay si madax-bannaan ula dagaallanto kooxda Al-Shabaab, oo weli ka howlgasha qeybo kamid ah dalka.
Taliyihii hore ee NISA ayaa sheegay in inkastoo Soomaaliya ay hesho taageero caalami ah, gaar ahaan tan Mareykanka, haddana ay jiraan xaddidaadyo ku saabsan sida xogaha sirdoonka loo wadaago.
Waxa uu xusay in wadaagga macluumaadka sirdoonka uu yahay mid kooban, isla markaana uusan gaarin heer buuxa oo wada-shaqeyn istiraatiiji ah.
“Macluumaad waa la wadaagaa ilaa xad, laakiin boqolkiiba boqol wada-shaqeyn ma jirto,” ayuu yiri Sanbaloolshe, isagoo muujiyay in arrintan ay tahay mid si taxaddar leh loo maareeyo.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in kalsooni la’aanta iyo cabsi laga qabo is-dhexgal ay ka mid yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee xaddidaya wada-shaqeynta dhinaca sirdoonka.
Sanbaloolshe ayaa xusay in hay’adaha caalamiga ah aysan si buuxda u wadaagin xogtooda, halka Soomaaliya ay weli ku jirto marxalad dhisme oo ku aaddan kobcinta awoodaha sirdoon ee gudaha.
“Inkastoo ay jiraan meelaha ay wada-shaqeyntu ka muuqato, sida digniinaha amni iyo hawlgallada militari, haddana weli ma gaarin heer qaran oo isku filnaansho ah,” ayuu yiri Sanbaloolshe.
Taliyihii hore ayaa muujiyay baahida loo qabo maalgelin ballaaran iyo dhismo hay’adeed oo xooggan, si loo horumariyo sirdoonka casriga ah, gaar ahaan dhinacyada tiknoolajiyadda iyo ilaha dadka.
Si kastaba, hadalka Sanbaloolshe oo labo jeer soo noqday taliyaha NISA, isla markaana khibrad dheer u leh arrimaha amniga iyo sirdoonka dalka ayaa muujinaya tuhunnada in saaxiibada caalamka aysan rabin in dhab ahaan la baabi’iyo kooxdan iyo taageerada Soomaaliya gaarta isku filnaansho.

