Islamabad (Caasimada Online) – Pakistan ayaa dhammaystirtay bixinta deyn dhan $3.5 bilyan oo ay ku lahayd Dowladda Imaaraadka Carabta, taas oo qayb ka ahayd waajibaadkeeda deynta dibadda, sida uu sheegay Bangiga Dhexe ee Pakistan maalintii Jimcaha, kadib markii uu dalkaas soo galay dhaqaale dhan $3 bilyan oo ka yimid Boqortooyada Sucuudiga.
Imaaraadka ayaa sanadkii 2018-kii siiyay Pakistan lacag dhan $2 bilyan, taas oo tan iyo xilligaas sanad walba waqtiga bixinteeda dib loo cusboonaysiinayay (rollover).
Sanadkii 2023, dalkan dhaca Khaliijka ayaa bixiyay deyn kale oo dhan $1 bilyan si uu uga caawiyo Islamabad inay buuxiso baahideeda maalgelinta dibadda, halka deyn kale oo dhan $450 milyan ay soo taxnayd tan iyo sanadihii 1996–97.
Pakistan ayaa qorshuhu ahaa inay Imaaraadka dib ugu celiso dhammaan $3.5-ta bilyan dhammaadka bisha Abriil, iyadoo la raacayo heshiisyada dhigaalka maaliyadeed ee laba geesoodka ah, xilli mas’uuliyiintu ay ku guda jiraan dadaallo ay ku xasilinayaan kaydka sarrifka lacagaha qalaad, iyagoo gacan ka helaya dalalka saaxiibada la ah iyo barnaamijka Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF).
“Bangiga Dhexe ee Pakistan waxa uu bixiyay dhigaal dhan $1 bilyan oo la siiyay Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi (ADFD) ee Imaaraadka 23-kii Abriil 2026,” ayuu Bangiga Dhexe ee Pakistan ku soo qoray bartiisa X.
“Lacago dhan $2.45 bilyan ayaa la bixiyay isbuucii la soo dhaafay. Tani waxay dhammaystiraysaa bixinta wadarta guud ee lacagihii deynta ahaa ee gaarayay $3.45 bilyan ee la siiyay Imaaraadka Carabta.”
Pakistan ayaa ka shaqaynaysa sidii ay dib ugu dhisi lahayd kaydkeeda maaliyadeed, uguna dhabayn lahayd bartilmaameedyada barnaamijka IMF oo qiimihiisu dhan yahay $7 bilyan, kadib dhibaato muddo dheer soo jiitamaysay oo dhanka isu-dheellitirka bixinta (balance of payments) ah.
Mas’uuliyiinta ayaa beegsanaya inay kaydka kor ugu qaadaan ilaa $18 bilyan marka la gaaro dhammaadka sanad-maaliyadeedka hadda socda oo ku beegan bisha Juun.
Bangiga Dhexe ee Pakistan ayaa maalintii Talaadada sheegay inuu Sucuudiga ka helay qaybtii labaad oo dhan $1 bilyan, taas oo dalka siinaysa taageero maaliyadeed oo si weyn loogu baahnaa. Dalkani wuxuu hore u helay qaybtii koowaad oo ahayd $2 bilyan oo ka timid Sucuudiga 15-kii bishan Abriil.
Wasiirka Maaliyadda ee Pakistan, Muhammad Aurangzeb, ayaa bishan ku dhawaaqay in Sucuudigu uu ballanqaaday inuu bixin doono $3 bilyan oo taageero maaliyadeed oo dheeraad ah, sidoo kalena uu oggolaaday in la kordhiyo waqtiga dhigaal hore u jiray oo dhan $5 bilyan, si gacan looga geysto xoojinta kaydka lacagaha qalaad ee dalkan dhaca Koonfurta Aasiya.
Sannadihii u dambeeyay, Pakistan waxay si xooggan ugu tiirsanayd taageero maaliyadeed iyo in deymaha waqtigooda dib loo riixo, kuwaas oo ay ka hesho dalalka ay saaxiibada dhow yihiin.
Taageerada maaliyadeed ee Sucuudiga ayaa sidoo kale ku soo aadaysa xilli Pakistan ay bishan bixisay lacag dhan ilaa $1.4 bilyan oo ka mid ah deymaha dammaanadaha caalamiga ah ee loo yaqaan Eurobonds.

