Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta si rasmi ah looga daah-furay qorshahay isbeddalka iyo siyaasadda Koonfur Galbeed, maadaama la galayo doorashooyin isku sidkan.
Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaafuray Qorshaha Isbeddelka Koonfur Galbeed iyo Siyaasadda Xalka Waara, isagoo goobta ka jeediyay khudbad xasaasi ah.
Sidoo kale, waxaa munaasabadda ka qeyb galay Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda, wakiillo ka socday bulshada rayidka iyo bahwadaagta caalamiga ah.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in qorshahan uu muhiim u yahay dowlad dhiska iyo hirgelinta nabad waarta.
“Qorshahan cusub ayaa diiradda saaraya xoojinta dowlad-dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta dhaqaalaha, iyo hirgelinta nabad waarta. Sidoo kale waxa uu qorshuhu qeexayaa istiraatiijiyad cad oo lagu wajahayo caqabadaha amni, dhaqaale, iyo bulsho ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed soomaaliya”. ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sidoo kale Hoggaamiyaha KMG ah Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa madasha ka sheegay in qorshahan uu yahay mid horseedi doona isbeddel dhab ah isla markaana uu saldhig u noqon doono horumar waara oo ay gaaraan shacabka Koonfur Galbeed.
Waxaa kale oo uu ugu baaqay shacabka iyo daneeyayaasha kala duwan in ay ka qeyb qaataan hirgelinta qorshahan si loo xaqiijiyo mustaqbal xasilloon oo horumar leh.
Koonfur Galbeed ayaa hadda wajaheysaa marxaad kala guur ah, waxaana la’isku diyaarinayaa doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka.


