24.9 C
Mogadishu
Sunday, April 26, 2026

Xogta tahriibayaal Soomaali ah oo ku naf waayay badda Mediterranean-ka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay dhacdo aragagax leh oo la xiriirta dhalinyaro Soomaali ah oo ku geeryooday xeebaha u dhexeeya dalalka Aljeeriya iyo Spain.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ugu yaraan 17 dhalinyaro ah oo ku dhinteen mashaqadaas, isla markaana ay wadaan dadaadallo dheeri ah.

“Badda u dhexeysa Spain iyo Algeria waxaa ku geeriyooday illaa 17 dhalinyaro ah oo Soomaaliyeed oo runtii xeebtaas ku tahriibayay dadkaas sida aan xogta ku helnay 12 kamid ah waa wiilal, halka 5 kalena ay yihiin gabdho, waxayna da’dooda u dhexeysaa 18 illaa 30 sano” ayuu yiri Maxamuud Macallin.

Sidoo kale, wuxuu fariin u diray waalidiinta dhalinyaradaas, isaga oo ugu baaqay  in ay la soo xariiraan hay’adda, si ay helaan warbixin dhamaystiran.

“Waxaan haynaa sawirrada marxuumiinta Ilaahey ha u naxariisto waxaan dooneynaa oo halkan aan u joognaa in aan helino macluumaad intaas ka dheeri ah waxaan ka codsaneynaa in waalidiinta ay nala soo xiriiraan, si aan u ogaano inta dhimatay warbixintana la’isugu hagaajiyo” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale, Guddoomiyaha SoDMA ayaa guud ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed uga digay halista tahriibka, isaga oo sheegay in sanadahan ay sii kordheen, maadaama dad badan ay ku geeriyoodeen biyaha.

“Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan u sheegeynaa xaaladahaan waa nagu bateen in ay ka taxadaraan tahriibka waa adag yahay waana dhib badan yahay waa halis”. ayuu mar kale yiri guddoomiyaha Hay’adda SoDMA.

Badda Mediterranean-ka ayaa sii ahaaneysa marin halis badan oo ay tahriibayaal badan isticmaalaan, iyaga oo doonaya in ay gaaraan qaaradda Yurub. Qof walba oo safar halis ah gelaya waxa uu xambaarsan yahay rajo nololeed, balse mararka qaar rajooyinkaas waxa ay ku dhammaadaan geeri iyo go’doon.

Si kastaba, ha’ahaatee, Musiibadan waxay mar kale iftiiminaysaa baahida loo qabo xal waara oo ku saabsan tahriibka dhalinyarada, si looga hortago in noloshooda khatarta gelinayaan iyaga oo raadinaya nolol ka wanaagsan tan dalka. Dowladda, bulshada caalamka, iyo hay’adaha samafalka ayaa loo baahan yahay inay si wadajir ah u wajahaan arrinkan.

- Advertisement -

Read more

Local News