Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta goboka Baay, halkaas oo uu u tegay doorashada Maamulka Koonfur Galbeed.
Aadan Madoobe oo ah musharraxa Xisbiga JSP ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada, waxaana ka qayb-galay soo dhaweyntiisa hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka, xildhibaanno, wasiirro iyo shacab.
Guddoomiyaha oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa u mahadceliyay madaxda iyo bulshada soo dhaweysay, wuxuuna ku baaqay in deganaan la muujiyo laga wada shaqeeyo amniga inta ay socoto qaban qaabada doorashada.
Safarka Aadan Madoobe ee Baydhabo ayaa kusoo beegmaya xilli Villa Somalia ay dadaal xooggan ku bixineyso qaabeynta hoggaanka cusub ee Koonfur Galbeed, kadib markii madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, uu xilka ka degay 30-kii Maarso, maalmo kaddib markii ciidamada dowladda federaalka ay galeen Baydhabo.
Ilo-wareedyo siyaasadeed ayaa Caasimada Online u sheegay in Aadan Madoobe loo diyaarinayo inuu noqdo musharraxa ugu culus ee xilka Koonfur Galbeed, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta maamulkaas ay u arkaan musharrax ay dhabarka ku wado Villa Somalia.
Xogta ayaa intaas kusii dareysa in Xasan Sheekh uu ku qanciyey agaasimihii hore ee Villa Somalia, ahaana saaxiib aad ugu dhow, Xuseen Sheekh Maxamuud inuu tratnka uga haro Aadan Madoobe, ayada oo si kale loo qanciyey.
Arrintan ayaa tartanka ka dhigeysa mid aan u muuqan mid furan, gaar ahaan maadaama Baydhaba ay hadda ku jirto marxalad kala-guur ah oo dowladda federaalka ay saameyn xooggan ku leedahay.
Si kastaba, Dhaq-dhaqaaqyada ka socda Baydhaba iyo hakadka ku jira isku-shaandheynta xukuumadda ayaa muujinaya in Villa Somalia ay hadda mudnaanta siineyso xakameynta siyaasadda Koonfur Galbeed, kahor inta aysan qaadin tallaabooyin kale oo gudaha xukuumadda ah.


