27.9 C
Mogadishu
Sunday, April 26, 2026

Farmaajo oo taageeray baaqii Shariif ee uu aqbalay Xasab

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasmada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa taageeray baaqii shalay kasoo yeeray madaxweyne hore Sheekh Shariif oo shalay dalbaday in la dhex-dhexeediyo iyaga iyo Madaxweynaha, halka dhankiisana  Xasan Sheekh uu soo dhaweeyay baaqaas oo la hordhigay odayaasha dhaqanka ee ka qayb-galay caleema saarkii Ugaaska Murusade.

Farmaajo ayaa xusay in isaguna uu codkiisa ku biirinayo in la wada-hadlo, isla markaana doorkooda ay qaataan odayaasha dhaqanka, si xal loo gaaro.

“Waxaan codkayga ku biirinayaa baaqii shalay uu soo jeediyay madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed uuna taageeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud mar ay ka hadlayeen madashii caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo ahayd madal muujisay baahida ay Soomaalidu u qabto midnimo iyo wadahadal. Baaqa Madaxweynayaasha waxaa uu salka ku hayey kaalinta ay duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ee ku kulmay caasimadda dalka ay ka qaadan karaan xal u helidda ismari-waaga siyaasadeed ee dalka ka jira”. ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, wuxuu intaas sii raaciyay “Haddaba waxaan sidoo kale halkan baaq uga gudbinayaa duubabka Soomaaliyeed inay u istaagaan gudashada waajibkooda, ayna kaalin mug leh ka qaataan sidii loo gaari-lahaa xal siyaasadeed oo looga badbaado dib u laabasho siyaasadeed iyo dagaallo sokeeye”.

Maxamed Farmaajo ayaa sidoo kale ka dalbaday maxdaxa mucaaradka iyo hoggaanka sare ee Villa Somalia inay si dhab ah ula shaqeeyaan odayaasha dhaqanka, si looga wada shaqeeyo sii socodka geediga dowlad dhiska Soomaaliya.

“Waxaan markale madaxda siyaasadda dalka muxaafid iyo mucaarad ugu baaqayaa inaan odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed siinno kaalin dhab ah oo ay ka qaadan karaan geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya, bacdamaa ayagu ahaayeen kuwii dhisay hannaankii lagu unkay jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya”. ayuu mar kale yiri Madaxweynihii hore ee dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay caddeeyay in aysan jirin xaalad sababi karta in dalka uu burburo, balse siyaasaddu leedahay is-rii xriix, ayna iska dhamaan doonto, isaga oo soo dhaweeyay in dhaqanku qaato doorkiisa.

“Dhaqanka Soomaaliyeedow waa joogtaan maanta waana fursad ee qofkii khaldan gacanta qabta, kan saxanna garab istaaga. Dab kama kace looma baahno dowladnimadeena waa kortay siyaasaddu is jiid jiid iyo is riix riix waa leedahay annaga kan naga dhex jiro ma ah mid burburin, dumin ama balaayo dhaceyso waana dabeecad ay siyaasadda wadato wayna hagaageysaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

- Advertisement -

Read more

Local News