28 C
Mogadishu
Sunday, April 26, 2026

Soomaaliya iyo Cumaan oo yeelanaya iskaashi ballaaran – Maxaa ka socda Cumaan?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muscat (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cali ayaa maanta magaalada Muscat kula yeeshay saddex kulan oo heer sare ah mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Cumaan.

Kulamadan u dhaxeeya Soomaaliya iyo Cumaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyo kala duwan oo istiraatiiji ah.

Kulamada ayuu wasiirka la yeeshay Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Macluumaadka ee Cumaan, Saciid bin Xamuud Al-Maawali, Guddoomiyaha Hay’adda Maalgashiga Cumaan, Cabdulsalaam bin Maxamed Al-Murshidi, iyo Wasiirka Beeraha, Kalluumeysiga iyo Khayraadka Biyaha, Dr. Sucuud bin Xamuud Al-Xabsi.

Intii lagu guda jiray wada-hadallada, labada dal ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga gaadiidka, isgaarsiinta iyo ICT-ga, si loo horumariyo isku xirnaanta, loona taageero isbeddelka dijitaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la dardargelinayo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Dhinaca kale, kulanka la xiriiray maalgashiga ayaa diiradda lagu saaray sidii loo soo jiidan lahaa maalgelin ka timaadda Cumaan, gaar ahaan qaybaha leh fursadaha sare sida xoolaha, kalluumeysiga, dhaqaalaha badda (blue economy), duulista hawada iyo warshadaha istiraatiijiga ah.

Waxaa sidoo kale la isla qaatay in la abuuro jawi ku habboon iskaashi u dhexeeya dowlad iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta dhoofinta xoolaha Soomaaliyeed, horumarinta kalluumeysiga iyo beeraha, iyadoo la isla gartay muhiimadda maalgashi wadajir ah, dhismaha kaabeyaasha silsiladda qaboojinta (cold chain) iyo horumarinta silsiladda qiimaha wax-soo-saarka.

Wasiir Cabdisalaam Cali ayaa carrabka ku adkeeyay doorka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya ay ku leedahay isku xirka Afrika iyo Khaliijka, isagoo xusay kheyraadka ballaaran ee dalka sida xeebta dheer, xoolaha iyo awoodda beeraha, kuwaas oo Soomaaliya ka dhigaya dal leh fursado maalgashi oo waaweyn.

Dhankiisa, dowladda Cumaan ayaa mar kale xaqiijisay taageeradeeda ku aaddan madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo labada dal ay ku heshiiyeen in la sii xoojiyo wada-shaqeynta farsamo, dhiirrigelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo hirgelinta mashaariic maalgashi oo wadajir ah.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto xoojinta diblomaasiyadda dhaqaale, si iskaashiyada caalamiga ah loogu beddelo maalgashi dhab ah oo ka qeyb qaata kobaca iyo horumarka dalka.

Dowladda Saldanadda Cumaan ayaa dhawaan xaqiijisay taageerada buuxda ee ay la garab taagan tahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, ayada oo si cad u diidday aqoonsiga hay’ad kasta ama maamul ka baxsan qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan, Badr bin Xamad Al-Busaidi ayaa mowqifkan adag ku dhawaaqay intii ay socdeen wada-hadallo uu shalay magaalada Muscat kula yeeshay dhiggiisa Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkaas.

Tani waxay ku soo beegmaysaa xilli Soomaaliya ay raadinayso taageero goboleed oo ballaaran si ay uga hortagto go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay maamulka Somaliland, uguna magacawday ergey diblomaasiyadeed.

- Advertisement -

Read more

Local News