31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigay gabar iska dhigtay nin kadibna…

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay magaaada Hareysa ayaa gacanta kusoo dhigay gabar ku eedeysan inay muuqaalo anshax darro ah ku baahisay baraha bulshada ee Internet-ka.

Ubax ayaa si gaar ah loogu eedeeyay inay iska dhigtay nin, isla markaana faafisay muuqaallo liddi ku ah diinta, dhaqanka, akhlaaqda iyo badqabka bulshada, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Booiska.

Sidoo kale, Booliska ayaa shaaca ka qaaday in eedeysane Ubax Maxamuud si deg-deg ah loo horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo sharci ah.

“Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysan Ubax Maxamuud Maxamed, taasi oo ku eedaysan faafinta arrimo kasoo horjeeda Diinta, Dhaqanka, Akhlaaqda iyo Badqabka bulshada. Eedaysanta ayaa muuqaallo nin ay iska dhigayso duubtay kuna faafisay baraha bulshada, taas oo baal-marsan Diinteenna suubban, waxaana degdeg loo horgayn doonaa Ha’yaddaha Garsoorka”. ayaa lagu yiri qoraalka Booliska Somaliland.

Dhinaca kale, taliska ayaa digniin u diray shacabka, isaga oo xusay in ciddii lagu arko dhaqan xumo la horgeyn doono maxkamad.

“Bulshada waxaanu uga digaynaa falalka noocaas ah ee ku lidka ah Diinta iyo dhaqanka suubban , cid kasta oo ku kacda waxa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan”. ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhawaan ayay ahady markii maxkamadda magaalada Hargeysa ay xukun adag oo xabsi ah iyo ganaax lacageed ku ridday Dambiile Cumar Maxamed Ibraahim oo lagu helay kiis anshax xumo ah oo ka dhashay muuqaallo uu ku faafiyay baraha bulshada.

Maxkamadda ayaa ninkaas ku xukuntay laba sano oo xabsi ah, iyo ganaax lacageed oo dhan 800,000 kun oo Shilin Somaliland ah, sida lagu caddeeyay go’aanka horay uga soo baxay maxkamadda.

- Advertisement -

Read more

Local News