32.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Sawirro: Xamza oo Kenya la wadaagay guulaha ay ka gaareen dagaalka…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Danjiraha Dowladda Kenya u fadhiya magaalada Muqdisho, Mudane Cyprian Kubai Iringo, isaga oo la yeeshay wada-hadallo xasaasi ah.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Safiir Ku-xigeenka Kenya Mudane Ilyaas Barre Shiil iyo howlwadeenno ka tirsan xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed.

Xamza ayaa danjiraha la wadaagay guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, iyo horumarka laga sameeyay sugidda amniga guud ee dalka, maadaama ay dadaallo waan wayn ka sameeyeen ciidanka Qaranka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhow ee Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan amniga xuduudaha iyo ilaalinta danaha ay wadaagaan labada dal.

Dhankiisa Danjire Cyprian Kubai Iringo ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha qaabilaadda diirran, isaga oo carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda Kenya xoojinta wada-shaqeynta labada dal, si loo sugo amniga loogana hortago khataraha argagixisada.

Kenya ayaa qayb ka ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, waxaana ciidankeeda ay ku jiraan howlgalka AUSSOM, iyaga oo ka howlgala gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay ka sameeyeen howlgallo.

Soomaaliya ayaa muddo dheer la dagaalameysa argagixisada oo halis ku ah amniga gudaha iyo kan gobolka, iyadoo howlgalladii ugu dambeeyay laga soo hooyay guullo waa wayn.

- Advertisement -

Read more

Local News