32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Mucaaradka oo soo bandhigay 3 qodob oo ay ku haystaan Xasan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka dalka oo xalay kulan xasaasi ah la yeeshay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa kala hadlay tabashadooda, gaar ahaan arrimo ay isku hayaan iyaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Mucaaradka ayaa shirkan kusoo bandhigay qodobo culus oo dhaliyay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka, una baahan in xal waar laga gaaro.

Xildhibaan Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Xasan Sheekh ay ku haystaan dastuurkii oo la beddelay, dhul boobka socda iyo hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka.

“Farmaajo waxa isku haynay doorashada oo keliya, iskuma haysan dastuur, dhul iyo wax kale toona, laakiin Xasan waxaan isku haynaa dastuurkii oo iskiis u beddelay, dhulkii dadka oo uu qaatay iyo doorashadii dalka”. ayuu yiri Warsame.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray haddii wax laga beddalayo nidaamka Federaalka ama dastuurka dalka, loo baahan yahay heshiis wadar ogol ah.

“Haddii aan Federalka ka guureyno dad badan oo Soomaaliyeed ayuu dhibaaye ama haddii 4-sano 5-sano lagu baddalayo waxaas oo dhan waxay u baahan yihiin ka heshiin”. ayuu mar kale yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dhanka kale, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa odayaasha dhaqanka ka codsaday in ay kaalin muuqata ka qaataan xal u helidda xaaladda taagan, isla markaana ay dalka badbaadiyaan, maadaama uu wajahayo marxalad adag oo u baahan dhex-dhexaadin iyo wada-hadal dhab ah.

Odayaasha oo intooda badan Muqdisho u yimid ka qayb-galka caleema saarkii Ugaaska Murusade ayaa habeen hore la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh oo isna ay kasoo dhageysteen aragtiidiisa, wuxuuna ku adkeystay in dalka uu ka qabanayo doorashooyin qof iyo cod ah, si looga gudbo doorasho dadban.

- Advertisement -

Read more

Local News