32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Daawo: Sanbaloolshe oo si kulul ugu jawaabay Wasiir Fiqi

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee (NISA) Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo xalay ka qayb-galay kulan ay xubnaha mucaaradka la yeesheen odayaasha dhaqanka ayaa si kulul ugu jawaabay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi.

Sanbaloolshe oo ka hadlay magaca uu Fiqi u bixiyay mucaaradka ee “Madasha Calaacalka” ayaa ugu jawaabay in isaguba markii uu ahaa mucaaradka uu calaacali jiray, sidoo kalena uu caaytami jiray, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in calaacalka mucaaradka uu ka dhashay cabsi ay ka qabaan in dalku galo mugdi, maadaama aan weli laga heshiin nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa, iyada oo uu dhamaaday muddo xileedkii dowladda.

“Madashaan nin Fiqi la yiraahdo wuxuu u baxshay Madasha Calaacalka, laakiin isaga markii uu mucaaradka ahaa waana caaytami jiray, waana calaacali jiray hadda nimankan waa calaacalaan bis” ayuu yiri Agaasimihii hore ee NISA.

Waxaa kale oo uu intaas sii raaciyay “Dowladdu waxay leedahay nimanka mucaaradka hub uruursi ayay ku jiraan waa masabid, taas beddelkeed dowladda iyadaa duulaan ku ah mucaaradka”..

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo marar badan Wasiir Fiqi uu weerar qaawan ku qaaday xubnaha mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqyada ka wada magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay inay yihiin kuwa fadhiid ah oo diidan in dalka la gaarsiiyo doorashooyin ay ka qayb-galaan shacabka.

“Maxay yiraahdeen nimankii madasha calaacalku doorasho qof iyo cod ah ma rabno, haddii teenna la yeeli waayana waxaanu ka xignaa dagaal. Aniguna waxaan ku leeyahay; haddii aad dagaalamaysid guri aad leedahay ma dumayaa? ganacsi aad leedahay ma joogsanayaa? wiil aad dhashay se ma dhaawacmayaa ama dhimanayaa, adigu furinta ma tagaysaa? Waa maya intuba!”. ayuu horay yiri Wasiirka Gaashaandhigga oo weeraray mucaaradka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheyso xaalad hubanti la’aan ah, iyada oo weli la’isku fahmi la’yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurkii 2012-kii, maadaama ay si cad u diideen mucaaradka dalka, Jubbaland iyo Puntland.

- Advertisement -

Read more

Local News