28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Pakistan oo jebisay go’doominta Mareykanka ee Iran – Maxay tallaabo qaaday maanta?

Bookmark
Bookmarked

Share

Islamabad (Caasimada Online) – Pakistan ayaa furtay lix waddo oo cusub oo ah kuwa isku-gudbinta dhulka oo loogu tala-galay badeecadaha u socda Iran.

Tallaabadan ayaa si rasmi ah u abuuraysa marin dhinaca berriga ah oo mara dalkaasi, xilli kumannaan konteenarro ay ku xanniban yihiin dekedda Karachi sababo la xiriira go’doominta ay Mareykanku saareen dekedaha Iran iyo maraakiibta isku dayaya inay maraan Marinka Hormuz.

Wasaaradda Ganacsiga Pakistan ayaa 25-kii Abriil soo saartay wareegtada nidaamka isku-gudbinta vadeecadaha ee dhulka Pakistan ee 2026, kaas oo dhaqangelay isla markiiba.

Wareegtadan ayaa ogolaanaysa in badeecadaha ka imanaya dalalka saddexaad la marsiiyo Pakistan, laguna gaarsiiyo Iran dhinaca waddooyinka berriga. Ku dhawaaqistan ayaa ku soo aadday xilli Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi uu booqasho ku tagay Islamabad si uu wadahadallo ula yeesho Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif iyo Taliyaha Ciidanka Asim Munir.

Tani waa tii ugu dambeysay ee xiriirro diblomaasiyadeed ah, iyadoo Pakistan ay doonayso inay dhexdhexaadiso sidii loo soo afjari lahaa dagaalka labada bilood u dhexeeya Washington iyo Tehran.

Wasiirka Federaalka ee Ganacsiga, Jam Kamal Khan ayaa hindisahan ku tilmaamay “tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca horumarinta ganacsiga gobolka iyo kor u qaadista doorka Pakistan ee marin ganacsi oo muhiim ah.”

Iran weli si fagaare ah ugama hadlin tallaabadan, su’aal ay shabakadda Al Jazeera u dirtay safaaradda Iran ee Islamabad ayaana weli aan wax jawaab ah laga bixin. Wareegtadan cusub ma khusayso badeecadaha asal ahaan ka yimaada India.

Wareegto gaar ah oo ay horay u soo saartay Wasaaradda Ganacsiga bishii May 2025, kaddib dagaalkii xagga cirka ahaa ee dhexmaray India iyo Pakistan bishaas, ayaa mamnuucaysa in wax badeecad ah oo India ka timaada la marsiiyo Pakistan noocuu doono ha ahaadee, sharcigaasina weli waa uu dhaqangalsan yahay.

Waddooyinka iyo nidaamyada cusub

Lixda waddo ee la cayimay ayaa isku xiraya dekedaha waaweyn ee Pakistan—Karachi, Port Qasim, iyo Gwadar— iyo laba bar-kantarool oo ku yaalla xadka Iran, oo kala ah Gabd iyo Taftan. Waddooyinkan ayaa sii mara gobolka Balochistan, iyagoo dhex maraya magaalooyinka Turbat, Panjgur, Khuzdar, Quetta iyo Dalbandin.

Waddada ugu gaaban oo ah marinka Gwadar–Gabd ayaa soo gaabinaysa waqtiga safarka ee xadka Iran, oo ka dhigaysa inta u dhaxaysa laba ilaa saddex saacadood, marka la barbar dhigo 16 ilaa 18 saacadood oo ay qaadato in xadka Iran laga gaaro Karachi, oo ah dekedda ugu weyn Pakistan.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in waddada Gwadar–Gabd ay dhimi karto kharashka gaadiidka boqolkiiba 45 ilaa 55 marka loo eego kharashka dekedda Karachi. Balse Iran, shirkadaha u soo dira badeecadaha dalkeeda, iyo gaadiidleyda kaleba, dhammaan waddooyinka soo gala dhulka Iran maanta waa xulashooyin muhiim ah, iyadoo marinkii ugu weynaa ee xagga badda oo ay dhaqan ahaan isticmaali jireen Marinka Hormuz uu go’doomiyay Ciidanka Badda Mareykanka.

Marin ka dhashay colaad

Dagaalka hadda u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ayaa bilowday 28-kii Febraayo, markaas oo ciidamada Mareykanka iyo Israa’iil ay weeraro ku qaadeen Iran.

Toddobaadyadii xigay, Iran ayaa xaddidday isu-socodka ganacsiga ee Marinka Hormuz, oo ah marin-biyood cidhiidhi ah oo qiyaastii shan-meelood-meel (1/5) saliidda iyo gaaska adduunka ay maraan xilliyada nabadda, taasoo carqaladeysay mid ka mid ah halbowlayaasha ugu muhiimsan ganacsiga adduunka.

Pakistan ayaa garwadeen ka noqotay xabbad-joojin dhacday 8-dii Abriil, waxayna martigelisay wareeggii ugu horreeyay ee wadahadallo toos ah oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iran 11-kii Abriil, kuwaas oo ka dhacay Islamabad. Wadahadalladaas oo socday ku dhawaad maalin dhan ayaa ku dhammaaday heshiis la’aan.

Laba maalmood kaddib, Washington ayaa go’doomin dhinaca badda ah saartay dekedaha Iran, taasoo ceejisay marinadii badda ee Tehran. Wareeggii labaad ee wadahadallada ayaa tan iyo markaas xayiran. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa baajiyay booqasho qorshaysnayd oo ay ergooyinka gaarka ah ee Steve Witkoff iyo Jared Kushner ku tegi lahaayeen Islamabad dhammaadkii usbuucii hore.

Iran ayaa meesha ka saartay wadahadallo toos ah oo lala yeesho Washington inta ay go’doomintu sii socoto, inkastoo Araghchi uu u sheegay mas’uuliyiinta Pakistan in Tehran ay sii wadi doonto ka qaybqaadashada dadaallada dhexdhexaadinta Islamabad “ilaa natiijo laga gaarayo”.

Amarkan cusub ee isu-socodka ayaa u muuqda mid ah jawaab dhaqaale oo toos ah oo laga bixinayo is-mari-waagaas. In ka badan 3,000 oo konteenarro oo ku wajahnaa Iran ayaa ku xayirnaa dekedda Karachi dhowr maalmood, iyadoo maraakiibtu ay awoodi waayeen inay qaadaan xamuulka.

Caymiska halista dagaalka ee maraakiibta ayaa sare u kacay min 0.12 boqolkiiba ee qiimaha markabka ka hor colaadda, isagoo gaaray ilaa 5 boqolkiiba, taasoo ka dhigtay in shixnadaha badda ee loo dirayo gobolkaas ay aad u qaaliyoobaan hawl-wadeenno badan.

Isbeddelka dhaq-dhaqaaqa gobolka

Marinkan cusub ayaa sidoo kale muujinaya isbeddel iyo in laga sii fogaanayo Afghanistan, kaas oo xiriirkii uu la lahaa Pakistan uu aad u xumaaday.

Labada dhinac ayaa isku dhacay bishii Oktoobar 2025, sidoo kalena dib u dagaallamay bilihii Febraayo iyo Maarso ee sanadkan, iyadoo iska horimaadyo yaryar ay weli ka sii socdaan xuduudaha waqooyi-galbeed iyo koonfur-galbeed.

Isgoysyada Torkham iyo Chaman ayaa gabi ahaanba joojiyay inay u shaqeeyaan sidii waddooyin ganacsi oo la isku halleyn karo tan iyo markii ay xiisaduhu cirka isku shareereen, taasoo xaddidday marinadii berriga ee Pakistan ay ku tegi jirtay suuqyada Bartamaha Aasiya.

“Tani waa isbeddel xagga nidaamka ah. Xiriirka Pakistan ay la leedahay Taliban-ta Afghanistan, oo ah awoodda dhabta ah ee maamusha Kabul, ma laha badhan dib-u-dejin (reset switch),” ayuu yiri Iftikhar Firdous, oo ah la-aasaasaha joornaalka The Khorasan Diary, isagoo la hadlay Al Jazeera.

“Kabul waxay horay isku dayaysay inay yareyso ku-tiirsanaanteeda Pakistan iyadoo u weecatay dhanka Iran iyo Bartamaha Aasiya, laakiin tallaabadan ayaa gabi ahaanba qaacidada rogaysa.

Pakistan hadda waxay gebi ahaanba iska indho-tiri kartaa Afghanistan marka ay timaado ganacsiga u socda dhinaca galbeed. Saameynta ay arrintani ku yeelanayso muhiimadda iyo dakhliga isu-gudbinta ee Kabul waa mid istaraatiiji ah, isla markiibana ma muuqanayso, balse waa mid dhab ah,” ayuu raaciyay.

Minhas Majeed Marwat, oo ah aqoonyahan iyo falanqeeye dhinaca siyaasadda juqraafiyadeedka oo ku sugan Peshawar, ayaa ku baaqay taxaddar.

“Afghanistan oo go’doon la geliyo waa Afghanistan aan xasiloonayn, Pakistan-na way ka warqabtaa, in ka badan waddamada kale, kharashka ay arrintaas leedahay,” ayay ku qortay madasha X 27-kii Abriil.

“Fursadda halkan ka jirta waa mid dhab ah. Sidaas oo kalena halistu waa dhab. Amniga xuduudaha waqooyi-galbeed iyo koonfur-galbeed ayaa weli ah isbeddelka fashilin kara wax walba. Pakistan si wanaagsan ayay isku taagtay, balse weli si nabad ah isuma taagin. Labadaas waa waxyaabo kala duwan.”

- Advertisement -

Read more

Local News