28.5 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Maxay tahay farriinta uu maanta diray ra’iisul wasaare Xamza?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda maalinta shaqaalaha adduunka ee 1-da May.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu si gaar ah u ammaanay doorka muhiimka ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dhismaha dalka, horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta adeegyada bulshada, isaga oo ku tilmaamay inay yihiin laf-dhabarta kobaca iyo adkeysiga qaranka.

“Waxaad laf-dhabar u tihiin amniga, dhaqaalaha iyo dhismaha Qaran casri ah oo horumarsan. In kasta oo duruufuhu ay adkaayeen, haddana waxaad door muuqda ka qaadataan horumarka dalka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxa uu intaa ku daray in xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, abuurista fursado shaqo iyo horumarinta xirfadaha si loo helo shaqaale tayo leh oo la jaanqaadi kara baahiyaha casriga ah.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu shaqaalaha Soomaaliyeed ku boorriyay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, isaga oo u rajeeyay guul waarta, barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan.

Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka shaqaalaha adduunka ee ILO ayaa sannadkan fasaxday dhammaan howlwadeennada dowladda, si loo xuso munaasabadda 1-da May.

Inkastoo dalkeenna ay weli ka jirto shaqo la’aan baahsan oo si gaar ah u saameysay dhallinyarada, kuwaas oo lagu qiyaaso in ay ka badan yihiin 75% bulshada, haddana dowladda Soomaaliya waxay sheegtaa inay wax ka qabaneyso caqabadda shaqo la’aanta, hase yeeshee waxaa weli muuqata in xaaladdu ay sii taagan tahay.

- Advertisement -

Read more

Local News