29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xog: Dowladda Soomaaliya oo adkeysay amniga hareeraha Muqdisho ka-hor 15-ka May

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Laamaha amniga ee Dowladda Federaalka ayaa diiradda saaraya sidii loo adkayn lahaa ammaanka kontoroollada laga soo galo magaalada Muqdisho oo dhan, si looga hortago in magaalada la geliyo carqaladeyn amni oo la xiriirta arrimo siyaasadeed.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Taliska Ciidanka Booliska uu Khamiistii ciidamo dheeraad ah geeyay kontoroollada ku yaalla bannaanka magaalada, kuwaas oo lagu xoojinayo ciidamadii hore ugu sugnaa goobahaas.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha Booliska ay sidoo kale ciidamo cusub geeyeen meelo ka mid ah degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose. Ciidamadan ayaa loogu talagalay inay ka hortagaan gaadiidka dagaalka iyo ciidamada ka tirsan milatariga Soomaaliya ee imanaya magaala-madaxda dalka ee Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyey kulan ay ka qaybgaleen saraakiisha saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir. Taliyaha ayaa saraakiisha faray inay adkeeyaan ammaanka baraha kontoroollada, isla markaana gaadiidka soo galaya magaalada iyo kuwa ka baxaya ay mariyaan habraaca amniga, si looga hortago khatar kasta oo lid ku ah xasilloonida, sida lagu sheegay war ka soo baxay Taliska Booliska.

“Taliye Asad ayaa saraakiisha ku adkeeyay inay dhankooda ilaaliyaan nidaamka xog-wadaagga ee u dhexeeya laamaha amniga, kaas oo kaalin muuqata ka qaatay ka hortagga falalka ka dhanka ah nabadgelyada,” ayaa lagu yiri warka.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid looga sii hortagayo dhaqdhaqaaq ciidan oo kasta oo siyaasiyiinta mucaaradka Dowladda Federaalka ay ka sameyn karaan magaalada Muqdisho, maadaama ay marar badan ku hanjabeen in ay rabshado dhici karaan, haddii la gaaray 15-ka May.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa maalmahan kulamo ku lahaa Muqdisho, iyagoo ka arrinsanaya tallaabada ay qaadi karaan marka la gaaro 15-ka May, oo sida ay sheegeen ku eg muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mucaaradka ayaa ka soo horjeeda muddo-kororsi ay u badan tahay inay sameyso Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh. Muddo-kororsi kasta oo hal dhinac ah ayaa ka careysiin kara siyaasiyiinta aan la dhacsaneyn siyaasadda uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku maamulo dalka.

Inkasta oo ay aad u yar tahay in mucaaradka ay helaan ciidamo u dagaalamo ama weerar ku soo qaada magaalada, haddana dowladda federaalka ayaa la sheegay in aysan qaadaneyn wax fursad ah, ayna isku dayeyso in ay ka hortagto suurta-galnimo kasta.

Sidoo kale, inta badan shacabka Muqdisho iyo odayaasha beelaha Hawiye ayaa ka soo horjeeda in rabshado lagu raadiyo xal, taasi oo sii wiiqeysa mucaaradka.

Bishii April ee 2021 ayaa Muqdisho waxaa ka dhacay dagaal dhex-maray ciidamo ka wada tirsan dowladda oo kala taageerayey madaxweynihii xilligaas Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kuwa taabacsanaa mucaaradka oo la baxay Badbaado Qaran, taasi oo ka dhalatay muddo kororsi uu sameeyey Farmaajo.

Rabshadahaas ayaa ku qasbay Farmaajo in uu ka laabto muddo kororsigii, islamarkaana la aado doorashooyin dadban oo horseeday in uu la doorto madaxeyne Xasan Sheekh.  

- Advertisement -

Read more

Local News