29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Puntland oo go’doomisay kooxaha burcadbadeeda ee haysata maraakiibta

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Puntland ayaa howlgal culus ku qaaday kooxa burcadbadeeda ee dhowaan weerarrada ka gaystay xeebaha maamulkaasi, kuwaas oo afduubtay maraakiib ganacsi oo waa wayn.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada PMPF ee Puntland ay dhanka berriga ka go’doomiyeen kooxda burcadbadeeda ee haysata maraakiibta kala ah Honour 25 iyo Sward.

Ilo wareedyo amni ayaa innoo sheegay in ciidanku ay burcadbadeeda ka ilaaliyeen inay gaaraan rag hubaysan oo ku biira, si ay usii wadaan weerarrooda, una haystaan maraakiibta oo haatan badbaadintoodu socoto.

Sidoo kale ciidamada waxay diideen in wax adeeg ah uu u tago kooxaha burcad-badeeda ah iyo cidi fuusho maraakiibtaas, taas oo sababtay in ay ka wareegaan meelihii ay markii hore ku sugnaayeen.

Markabka lagu magacaabo Honour 25 oo lagu haystay xeebaha Banderbayla ee gobolka Karkaar ayaa u wareegay xeebaha gobolka Nugaal, waxaana weli uu ku jiraa go’doomint dhanka berriga ah ee ay ku hayaan ciidanka amaanka.

Markabka kale ee MV Sward oo isna lagu hayayay xeebaha Garacad ayaa loo weeciyay dhanka xeebaha Galmudug, kadib markii ay burcadbadeedu ay culeys kala kulmeen howlgallada ay qaadeen ciidamada Puntland.

Markiibtan waxaa la socda ugu yaraan 33 shaqaale ah oo weli gacanta ugu jira burcadbadeeda, waxaana lasoo wariyay inay bad-qabaan.

Si kastaba, qiyaastii 3 sano kahor, falalka burcad-badeednimada ayaa u muuqday kuwo gabi ahaanba ka ciribtirmay biyaha Badweynta Hindiya oo horay ugu caan baxay afduubka, balse dib ayay arrintaas u soo laabatay iyadoo inta badan la beegsanayo doonyaha kalluumeysiga iyo maraakiibta xamuulka.

- Advertisement -

Read more

Local News