27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Xogta tirada Soomaalida lagu qabtay howl-gallada tarxiilka ee ka socda Mareykanka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Minneapolis (Caasimada Online) –Ciidamada federaalka Mareykanka ee qaabilsan socdaalka ayaa xiray ku dhawaad 3,800 oo qof intii uu socday hawlgalkii ballaarnaa ee loo yaqiin ‘Operation Metro Surge’, ee gobolka Minnesota, sida lagu muujiyay xog cusub oo ay baahisay hay’adda xog-ururinta tarxiilka ee Deportation Data Project.

Dadka la xiray intii u dhaxaysay bishii Diseembar iyo 10-kii Maarso, ayaa u badnaa soo-galooti ka soo jeeda dalalka Laatiin Ameerika, iyadoo kala bar ay u dhasheen waddamada Ecuador iyo Mexico. In kasta oo Madaxweyne Donald Trump uu si joogto ah fagaarayaasha ugu dhaliilayay jaaliyadda Soomaalida, haddana in yar oo ka badan 100 qof oo keliya ayaa ahaa muwaadiniin Soomaali ah.

Xogtan la daabacay 30-kii Maarso ayaa ah tii ugu faahfaahsaneyd ee iftiimisa saameynta uu reebay hawlgalkaas adag ee socday muddo saddex bilood ah, kaas oo sababay in kumanaan dibadbaxayaal ah ay isugu soo baxaan waddooyinka, isla markaana ay ku dhintaan laba muwaadin oo Mareykan ah.

Gobolka Minnesota ayaa wali la tacaalaya sidii uu uga soo kaban lahaa dhibaatooyinkaas, iyadoo sharci-dejiyeyaasha heer gobol iyo heer deegaan ay ka doodayaan sidii loo bixin lahaa kaalmooyin dhanka kirada ah iyo deymo la siiyo ganacsiyada yaryar si loo yareeyo saameynta dhaqaale ee hawlgalkaas.

Madaxweyne Trump ayaa marar badan cuskaday in Soomaalida deggen gobolkaas lagu eedeeyay falal wax is-dabamarin ah oo la xiriira adeegyada bulshada, wuxuuna arrintaas ka dhigay sababta ugu weyn ee uu kumanaan ciidamo federaal ah ugu diray magaalooyinka mataanaha ah (Twin Cities) ee gobolka Minnesota bishii Diseembar.

Hase yeeshee, inta badan Soomaalida ku nool Minnesota ayaa si sharci ah dalkaas ku jooga, xogta cusubna waxay muujinaysaa in dadka la xiray intii uu hawlgalku socday ay Soomaalidu ka yihiin in ka yar boqolkiiba saddex (3%).

Suleymaan Aadan, oo ah ku-xigeenka agaasimaha fulinta ee hay’adda u dooda xuquuqda Muslimiinta Mareykanka ee CAIR laanteeda Minnesota, ayaa sheegay in Trump uu muddo dheer bartilmaameedsanayay bulshada Soomaaliyeed.

“Erayadiisu waxay Soomaalida u sawireen inay yihiin dambiilayaal iyo khatar, hadalkaasna wuxuu cawaaqib dhab ah ku reebay halkan Minnesota,” ayuu Aadan ku yiri bayaan uu soo saaray.

“Waxaan la hadalnay qoysas ka baqaya inay shaqada aadaan, waalidiin u walwalaya carruurtooda iskuullada aada, iyo xubno ka tirsan bulshada oo dareemay in loo beegsanayo uun sababtoo ah waa Soomaali. Dhibaatada noocaas ah ma aha mid hal habeen ku tirtirmaysa.”

Xogtan ayaa wadata caqabado iyo xaddidaad, sida ay xaqiijisay Deportation Data Project, oo ah koox isugu jirta aqoonyahanno iyo qareeno ka tirsan Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda University of California Berkeley. Kooxdan oo xogta ka heshay dowladda federaalka, ayaa sheegtay in dhalliilaha xogtan ay ka mid tahay in hay’adda socdaalka iyo ilaalinta kastamyada Mareykanka (ICE) aysan diiwaanka ku darin dadka lagu xiray isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka.

Sidoo kale, xogta ayaa muujinaysa in in ka badan 200 oo jeer la diiwaangeliyay isku hal xarig oo ka dhacay Minnesota, umana muuqato inay soo koobtay dhammaan dadkii la qabtay. Wargeyska The Star Tribune ee Minnesota ayaa go’aansaday inuusan tirinta ku darin xogtaas isku noqnoqotay.

Dadka la xiray ee gaaraya 3,800 waxaa ku jira 38 carruur ah, kamana muuqdo diiwaanka Liam Conejo Ramos, oo ah wiil shan jir ah oo u dhashay Ecuador, kaas oo wax ka barta deegaanka Columbia Heights, lana xiray isaga iyo aabbihiis Adrian Conejo Arias. Garsoore qaabilsan arrimaha socdaalka ayaa diiday codsigoodii magangalyada, balse qoyska ayaa qorshaynaya inay racfaan ka qaataan go’aankaas.

Bayaan uu soo saaray afhayeen u hadlay Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka (DHS), kagama uusan hadlin si gaar ah xarigyadii la sameeyay intii uu socday hawlgalkii Metro Surge, balse wuxuu ku andacooday in in ka badan 10,000 oo soogalooti ah lagu xiray Minnesota tan iyo markii Trump uu xafiiska la wareegay. Inkastoo DHS aysan ka jawaabin su’aalo laga weydiiyay tirada yar ee Soomaalida ah ee la xiray, afhayeenka ayaa xusay in baaritaanno la xiriira wax is-dabamarin ay qayb ka ahaayeen hawlgalka.

“Sheekadani waxay kaliya daaha ka rogaysaa sida ay warbaahintu u rogrogto xogta si ay u faafiso sheeko been abuur ah oo ah in DHS aysan bartilmaameedsanayn khataraha amniga guud,” ayaa lagu yiri bayaanka Waaxda Amniga. “Guud ahaan dalka, laamaheena fulinta sharcigu waxay bartilmaameedsanayaan ajaaniibta sharci-darrada ah ee dambiilayaasha ah — oo ay ku jiraan gacanku-dhiiglayaal, kufsadeyaal, xubno ka tirsan kooxaha burcadda ah, kuwa faraxumeeya carruurta iyo argagixiso.”

Qalalaasaha iyo is-qabqabsiga hareeyay hawlgalkan ayaa qayb ka qaatay is-casilaadda laba ka mid ah saraakiisha ugu sarreysa maamulka Trump ee qaabilsan arrimaha socdaalka — xoghayihii hore ee Waaxda Amniga Gudaha Kristi Noem iyo Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xuduudaha Greg Bovino. Madaxweynaha ayaa u diray Tom Homan, oo ah mas’uulka ugu sarreeya ee qaabilsan xuduudaha, si uu u soo afjaro hawlgalka kaddib toddobaadyo baaritaanno iyo dhaleeceyn baaxad leh oo la wajahay.

Saraakiisha hay’adda ICE ayaa sidoo kale ku dooday inay Minnesota u tageen sidii ay u xiri lahaayeen soo-galooti leh diiwaanno dambiyo rabshado wata. Balse xogta ayaa muujinaysa in ku dhawaad saddex-meelood laba meelood (2/3) ka mid ah soo-galootigii lagu xiray gobolka aysan lahayn wax dambiyo ah oo ay horay u galeen ama dacwado dambiyeed oo maxkamad uga harsan.

In Mareykanka fasax la’aan lagu soo galo ayaa sharci ahaan ah dambi fudud (misdemeanor), halka dib-u-soo-gelidda kaddib marka qofka la tarxiilo ay tahay dambi culus (felony). Kaliya 200 oo ka mid ah soo-galootiga la xiray intii uu hawlgalku socday ayaa markii la qabanayay xabsiga ugu xirnaa sababo kale awgood.

Waaxda DHS ayaa diiday falanqaynta xogta la xiriirta dadka loo xiray dambiyada, iyadoo ku dooday in boqolleyda dhabta ah ay aad uga sarreyso sida xogtu muujinayso.

“Boqolkiiba 70 ajaaniibta sharci-darrada ah ee ay ICE ku xirtay guud ahaan dalka ayaa leh xukunno dambiyeed ama dacwado dambiyeed oo uga harsan gudaha Mareykanka oo keliya,” ayaa lagu yiri bayaankooda. Si kastaba ha ahaatee, DHS ma aysan xaqiijin falanqaynteeda ku aaddan xarigyada, mana aysan sharraxin sababta ay tirooyinkani uga duwan yihiin xogtii ay Waaxdu lafteedu siisay hay’adda Deportation Data Project.

Falanqayn uu wargeyska The Star Tribune ku sameeyay soo-galootiga ku nool Minnesota ee ku jira diiwaanka bogga “Kuwa ugu xun ee ugu xun” (Worst of the Worst) ee Waaxda Amniga Gudaha, ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad kala bar ka mid ah dambiilayaasha ay hay’adda ICE sheegatay inay xirtay ay horayba xabsiga ugu jireen ka hor inta uusan hawlgalkani bilaaban.

Xilligii uu hawlgalkani marayay heerkii ugu sarreeyay bishii Janaayo, ciidamada socdaalka ayaa maalin kasta xirayay in ka badan 120 qof guud ahaan gobolka Minnesota, gaar ahaan maalmihii xigay dilkii loo gaystay Renee Good. Taasi waxay la macno tahay koror toban laab ah marka la barbardhigo qiyaastii toban qof iyo dhowr qof oo la xiri jiray maalin kasta kahor inta uusan hawlgalku billowdan.

In kasta oo dhaqdhaqaaq xawli ah uu jiray intii uu hawlgalku socday, xarigyadii bishii Janaayo laga sameeyay Minnesota waxay u dhigantaa kaliya 7% wadarta guud ee xarigyada ay ICE samaysay bishaas.

Guud ahaan dalka Mareykanka, saraakiisha socdaalka ayaa xiray ku dhawaad 360,000 oo qof intii u dhaxaysay 20-kii Janaayo 2025 iyo 10-kii Maarso 2026, sida ay xogtu muujinayso. Ugu dambayn, waxaa la diiwaangeliyay ku dhawaad 5,700 oo xarig oo la xiriira socdaalka oo ka dhacay gobolka Minnesota tan iyo markii uu Trump dib ugu soo laabtay xafiiska.

- Advertisement -

Read more

Local News