29.9 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Villa Somalia oo saraakiil iyo ciidan ay soo xushay dhigtay kontoroollada Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa isbeddel ku sameysay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan baraha koontaroolka ee laga soo galo magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamadii iyo taliyeyaashii hore lagu beddelay kuwo cusub.

Tallaabadan, oo muddooyinkii u dambeeyay si tartiib ah u socotay, ayaa lagu sheegay qorshe lagu adkeynayo ammaanka caasimadda, gaar ahaan baraha laga soo galo Muqdisho iyo goobaha lagu hubiyo gaadiidka. Hase yeeshee, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in arrintu sidoo kale leedahay miisaan siyaasadeed oo la xiriira marxaladda kala guurka iyo loolanka doorashada.

Taliyeyaal iyo ku-xigeennadoodii hore ugu sugnaa baraha koontaroolka Muqdisho ayaa loo beddelay gobollada dalka, kadib markii Villa Somalia ay u aragtay in aysan si buuxda ula jaanqaadi karin qorshaha siyaasadeed ee madaxtooyada xilligan xasaasiga ah.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay, Villa Somalia ayaa xoojisay awoodda ciidamada iyo saraakiisha ay ku kalsoon tahay, kuwaas oo loo kala qeybiyay gudaha magaalada Muqdisho iyo baraha koontaroolka ee laga soo galo caasimadda.

Isbeddelka ugu weyn ayaa laga dareemay dhinaca waqooyi ee Muqdisho, gaar ahaan waddooyinka ka yimaada duleedka degmada Kaaraan illaa Suuqa Xoolaha. Ciidamo xooggan oo halkaas muddo ku sugnaa ayaa la beddelay, iyadoo madaxtooyadu ay u aragtay inay yihiin cudud amni oo xiriir dhow la leh dhinacyada mucaaradka, gaar ahaan madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, sida ay sheegeen ilo amni.

Saraakiishii hoggaaminaysay ciidankaas ayaa lagu beddelay saraakiil cusub oo ay soo xulatay Madaxtooyada, taas oo qeyb ka ah dadaal ay Villa Somalia ku dooneyso inay si dhow u maamusho amniga caasimadda iyo dhaqdhaqaaqa ciidamada xilli dalka uu galay marxalad doorasho oo muran badan dhalisay.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli siyaasadda dalka ay mareyso meel adag, islamarkaana ay sii xoogeysaneyso doodda ku saabsan qaabka, waqtiga iyo maamulka doorashooyinka soo socda. Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay jadwal la xiriira doorashooyinka heer dowlad-goboleed, balse weli waxaa muran ka taagan yahay hannaanka doorashada heer federaal iyo sida lagu gaari karo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Mucaaradka ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wadahadal siyaasadeed, balse waxay ku xireen shuruudo ay ka mid yihiin in la joojiyo tallaabooyinka doorasho ee ay ku tilmaameen kuwo hal dhinac ah, lana abuuro hannaan dhexdhexaadin ah oo ay dhinacyadu ku wada kalsoonaan karaan.

Xiisadda siyaasadeed waxaa sii xoojiyay muranka ka dhashay wax ka beddelka dastuurka iyo walaaca mucaaradka ee ku saabsan in geeddi-socodka doorashada loo adeegsan karo qaab muddo-kororsi ama dib u dhac siyaasadeed horseedi kara.

Xilliyada kala guurka siyaasadeed ee Soomaaliya waxaa horey loogu bartay in ciidamada ammaanka ay saameyn ku yeeshaan loolanka siyaasadeed, mararka qaarna ay u kala janjeeraan dhinacyada tartamaya. Ka hor doorashadii 2022, Muqdisho waxay 2021 wajahday xiisado amni iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo salka ku hayay murankii doorashada iyo khilaafkii ka dhashay muddo-kororsigii xilligaas.

Mucaaradkii xilligaas ayaa ku eedeeyay dowladdii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inay ciidanka dowladda u adeegsatay caburinta siyaasiyiinta ka soo horjeeday, gaar ahaan madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed. Dowladda xilligaas ayaa dhankeeda ku adkeysan jirtay in tallaabooyinkeeda ay la xiriireen amniga caasimadda.

Isbeddelka haatan lagu sameeyay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan baraha koontaroolka Muqdisho ayaa loo arkaa tallaabo amni oo leh farriin siyaasadeed, maadaama ay ku soo beegantay xilli Villa Somalia iyo mucaaradku isku hayaan jihada uu qaadanayo hannaanka doorashada dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News